Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN):- Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland, ayaa  toddobaadkan Tabobbar muddo laba maalmood ah socday u soo xidhay Xubnaha Guddiga Sare ee Hoggaamiya Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Xubnaha 15-ka ah ee Guddiga (Bord) Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ee 30-ka bishii 12-aad ee sannadkii 2017-kii lagu soo doortay Shirweynihii lixaad ee Ururkaas oo ka qabsoomay Hargeysa, ayaa Tabobbarkan loogu qabtay Huteel Saba ee magaalada Hargeysa, waxaana Tabobbarkaas oo ku saabsanaa Qaabka Hoggaaminta iyo Maamulka Ururrada iyo sida Urur Bulsho looga wada shaqaysiiyo, loogana wada shaqeeyo, waxaa bixinayey Ururka ama Shirkadda Waayeel Consulting LMT.

Guddoomiyaha Ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo Xidhitaankii Tabobbarkaas ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada Tabobbarka iyo muhiimadda uu u leeyahay Xubnaha Guddiga Sare ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo uu sheegay inay saaran tahay masuuliyad culus oo u baahan in Xubnaha Guddigu siday tahay u gataan waajibaadka laga sugayo ee loo soo doortay oo ah horumarinta Tayada Weriyeyaasha iyo Warbaahinta Somaliland dhinac kasta oo laga eego, si loo gaadho xaalad ka duwan ama ka wacan wadciga maanta Warbaahinta iyo Weriyeyaashu ku shaqeeyaan.

“Waynu garanaynaa masuuliyadda la innoo soo doortay iyo Shaqada laynaga sugayo. Tabobbarkani waa mid aynu u baahnayn oo runtii qayb muhiim ah ka qaadanaya wada shaqaynteenna iyo horumarinta SOLJA, haddii aynu dabaqno. Waxaan u mahad-naqayaa Waayeel Consulting iyo Macallinka Casharrada innoo dhigayey muddada labada maalmood ah Siciid Cabdillaahi Siciid iyo Wasiirrada Wasaaradda Warfaafinta oo ay wada-shaqayni innaga dhaxayso oo aynu wadaagno Masuuliyadda Warbaahinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta. Waxaannu hore u soo wada shaqaynay Xukuumaddii hore, Xukuumaddan talada qabatayna waxaan rejaynayaa inaynu si fiican u wada shaqayno, waayo? Wada-shaqaynta Ururka iyo Xukuumaddu waxaannu u aragnaa maslaxadda guud ee Qaranka iyo midda Suxufiyiinta Somaliland-ba.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Xuuto.

Sidoo kale, Siciid Cabdillaahi Siciid oo ka tirsan Waayeel la-taliyayaasha, isla markaana ahaa Macallinka bixinayey Tabobbarkaas, ayaa ballan-qaaday inay sii wadi doonaan Hay’ad ahaan Tabobbarrada ay Weriyeyaasha iyo Hoggaanka SOLJA siin doonaan, waxaanu yidhi; “Waxaannu idiin ballan qaadaynaa in tabobbarkani yahay bilaw, tabobbarro kale oo badanna aannu idin siin doonno, idinka oo kale waxaannu idiin abbaarnay markaannu Guddoomiyaha kulannay inaad Wakiil ka tihiin Saxaafaddii Somaliland Badhan illaa Saylac. Waxaan ammaanayaa sida Xubnihiinnan Hoggaanka sare ee SOLJA maskaxda uga shaqaysiiseen, wixii aad barateenna diyaarka ugu tihiin inaad ku dabbaqdaan masuuliyadda idin saaran iyo Shaqada ama hawsha idiin taalla.”

Suxufiga Yoonis Cali Nuur oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa SOLJA u soo jeediyey inuu ballaadhiyo Shaqada uu Saxaafadda iyo Suxufiyiinta Somaliland u hayo, sida Ururrada kale ee Saxaafadda Caalamkuba u shaqayso si la mid ah, waxaanu yidhi; “Ururka SOLJA runtii wax badan bay qabteen, waxaanan idiin soo jeedinayaa inaydaan ku koobnaan keliya, inaad Xuquuqda Weriyaha la xidhay u dooddaan, balse waa inaad Suxufiga markasta Xuquuqdiisa u dooddaan oo aad Maamulayaasha iyo Mulkiilayaasha Warbaahinta Waajib kaga dhigtaan inay Mushahar siiyaan Weriyeyaasha, si baahida Suxufigu u noqon karto mid xaddidan. Waxaan soo jeedinayaa inaad kormeertaan goobaha Saxafiyiintu ku shaqayso iyo Hay’adaha Warbaahineed ee ay ka hawlgalaan deegaan ahaan iyo Caafimaad ahaan sida ay yihiin.”

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Abees, oo isaguna Xidhitaankii Tabobbarkaas ka hadlay, ayaa yidhi; “Haddaannu nahay Masuuliyiintayadan cusub, waxaan u arkaa inaannu ka nasiib badannahay Qoyliyihii naga horreeyey, waxaa iiga kiin muuqda horumar aanan filayn, waxaad sharraxdeen iyo qodobbadaad soo qaadateen haddii la dabaqo wax kale oo aynu u baahannayba ma jira. Markaa, Xubnihiinnan Guddiga Sare ee SOLJA, waxaan idin leeyahay Hambalyo Koboca aad samaysayseen.”

“Waxaynu ku dedaadalaynaa inaynu xeerkaa jira wax ka beddelkiisa is-dul-taagno oo aynu ku wada shaqayno oo aqoonteedii u dirno oo waxaynu raalli ku wada nahay ka soo baxo. Annagu dhinacayaga waa bilaabaynaa, dhaqso ayaannu Madaxweynaha uga soo qaadaynaa guda-galka Xeerkan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta Maxamed Muuse Abees.

Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri-Barwaaqo, ayaa gebo-gabadii hadal uu ka jeediyey xidhitaankii tabobbarkaas, waxa uu ku sheegay inay soo dhawaynayaan wada-shaqaynta Saxaafadda Madaxa-bannaan ee Somaliland, waxaanu yidhi; “Hore, waan u sheegay, Nin Weriye ah oo la iska xidhi doonaa ma jiri doono, Xeerkaas ayeynu dhigan doonnaa, Qof kastana Xeerkaas ayaa qaban doona. Idinka laftiinna (Saxaafadda) wada shaqayn xooggan oo aan wax markiiba lala cararin ee markay wax dhacaan nala soo xidhiidhaan oo tidhaahdaan; ‘arrintaas maxaa ka jira’ ayaannu idiinla diyaar nahay.”

“Saxaafaddu waa meesha Bulshada laga Dhiso ama laga Dumiyo, markaa inaynu horemarinno Saxaafadda waa innoo wada muhiim. Waxaannu soo dhawaynaynaa Fikradaha fiican ee aad halkan ku soo gudbiseen, waxaan filayaa haddaynu intaa Xeerka ku darno in wax loo baahan karaaba yaraanayo, waa intaas oo la dabbaqo, waxa aynu wax ku sixi karnaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri-Barwaaqo.

Tabobbarkan ku saabsanaa Qaabka Hoggaaminta iyo Maamulka Habboon ee Ururrada Bulsho ama Hay’adaha Bulsho u adeega, ayaa noqonaya kii noociisa ah ee ay inta badan Xubnaha Hoggaanka Cusub ee SOLJA ee 30-ka bishii hore la soo doortan sidan oo kale u uga faa’iidaystaan muddada ay doorranaayeen, kuwaas oo kuwo ka sii heersarreeyana la filayo inay qaadan doonaan toddobaaddada iyo bilaha soo socda haddii Illaahay idmo.