Berbera(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Jamhuuriyada Somaliland Saleeban Yuusuf Cali (Koore) isla markaana ah Afhayeenka Xukuumadda Somaliland oo maalmihii u danbeeyay safar hawlo shaqo ku marayay gobolada Bariga Somaliland, gaar ahaan gobolka Sool, ayaa ka dhawaajiyay qorshayaal ay xukuumaddu wado oo ahmiyad gaar ah u yeelanaya gobolada dalka oo dhan.

Wasiir Saleebaan Cali Koore oo kulan magaalada Berbera maanta kula yeeshay Guddida ka-hortagga cuddurka COVID-19, ee Gobolka Saaxil, ayaa sheegay in Idaacad weyn oo dalka wada gaadha iyo Idaacado yar yar oo loogu talogalay gobolada la keeni doono, isla markaana Telefishano maxali ah laga hirgelin doono lixda gobol ee dalka.

Wuxuu sheegay in Madaxweynuhu bixiyey kharash lagu soo iibinayo Idaacada cusub ee uu ishaaray, isagoo xusay in ay ku baxayso lacag ka badan hal milyan oo lacagta Maraykanka ah ($ 1milion), sidaa awgeed, wuxuu sheegay Wasiir Koore in wasaaradda Warfaafintu, iyadoo ka duulaysa baahida loo qabo wakhtiga Idaacado laga baahiyo barmaamijyada waxbarashadda iyo wacyi-gelinta cudurrada halista ah, sida xannuunka COVID-19, ee xilligan taagan ay dibada u dirtay Idaacado yar yar oo FM ah oo la geyn doono magaalooyinka waaweyn, kuwaas oo sida uu sheegay ay awoodda baahintoodu daboolayso gobol kasta ugu yaraan 150KM.

“ Madaxweynuhu wuxuu diray Idaacadii weynayd oo ay ku baxayso hal milyan ($1milion) in ka badan, waxa qorshaha noogu jira in aanu lixda gobol ba gaadhsiino oo aannu gobolka ugu weyn ee Maroodi-jeex masaafo dhan 120km ku bilowno iyo in aanu Telefishan maxali ah (Local Television) u samayno lixda gobolba”ayuu yidhi.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray “waxa noo qorshaysan in Idaacado FM ah gobol kasta la dhigo oo ta ugu yari 150KM gaadhayso. hadda innagoo uga faa’idanaysanayna xannuunka Covid-19-ka waxa lacag ka badan $180,000 Dollar loo diray Idaacaddo FM ah, Berbera waa meelaha ugu horeeya oo mid ama laba way helaysaa” ayuu yidhi.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu tilmaamay in gobolada ugu horeeya ee la dhigayo Telefishannada maxaliga ah ay kamid yihiin Awdal iyo Sool oo ay warbaahinta Dawladduna ku yeellan doonto ardaayo (Studio) laga soo gudbiyo wararka iyo Barmaamujyada, iyadoo magaalada Berbera-na ay ku xigi doonto .

“Maadaama ay magaalo Ganacsi tahay Berbera waxa ku xiga doona in aanu Telefishan gudaha ah u samayno, iyadoo aanu labada gobol ee SOOL iyo Awdal doonayno in aanu marka hore ka samayno, kuwaasoo aanu arrimo gaar ah oo siyaasi ah uga dan leenahay, kana samaynayno Istuudiyow gaar ah oo war-tebinta goboladaas laga soo gelayo, sababtoo ah in Hargeysa wax kastaa ku koobmaan maaha”.
Dhinaca kale, Wasiir Koore waxa uu si weyn u bogaadiyey dedaalka ay guddida gobolku kula tacaalayaan xakamaynta Cudurka Covid19, isagoo xusay in guddida heer qaran ee uu xubinta ka yahay ay amaan balaadhan u hayso gobol ahaan sida ay dhinac walba dabooleen howlaha cudurkaasi lagula dagaalamayo.

Kulanka uu wasiir Saleeban Yuusuf Cali Koore, ka jeediyay hadalka oo ay ka qaybgaleen masuuliyiinta dawladda ee heer gobol iyo heer degmo ee ku jira guddida Coronavirus ee gobolka Saaxil, ayaa weftiga Wasiirka warbixin ka siiyay xaaladda cudurka ee gobolka.

Qorshaha uu ka dhawaajiyay Wasiir Saleebaan Cali Koore, ayaa ku soo beegmaya xilli shacabka Somaliland baahi weyn u qabaan qalabka warbaahinta qaranka ee sida sahlan lagu dhegeysan karo, sida Idaacadaha iyo Telefishannada aan u baahnayn qalabka kuwa Setlite-ka ku jira lagu helo (Local television), taasoo haddii Dadweynaha loo hirgeliyo uu muwaadin kastaaba ka helayo war iyo waxbarasho midka uu rabo, isla markaana fududaynay in fariimaha wacyigelintu wada gaadhaan Bulshada Somaliland.