“Hooyo dareenkeedu is bedelay markii ay ka sheekaysay sidii Ilmaheedu ahaa ka hor intii aan la keenin Iskuulka”

Hargeysa(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa si weyn usoo dhoweeyay dedaalka ay ku yegleeshay Marwo Khadra Cali Cigaal Iskuulka Caruurta baahiyaha gaarka ah qaba (Hargeisa Children Learining Cente), wuxuu sheegay in Caruurta baahiyaha gaarka ah qaba iyo kuwa aan qabinba masuuliyad ka saarantahay Xukuumadda, isla markaana ay ku dedaalayaan sidii Iskuulada loogu dari lahaa Dugsiyo noocan ah.

Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE, Axmed Cabdi Dheere oo Ardayda guddoonsiiya  abaalmarinta lagu siiyay sidii ay u kala dedaal badnaayeen Imtixaankii laga qaaday. Araweelo News Network 11March  2020.

Wasiirka oo ay wheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Axmed Abokor, Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Maroodi-jeex ee qaybta galbeedka Cabdiqaadir Cabdilaahi Jaamac (Jeex) iyo Af-hayeenka Wasaaradda waxbarashada Cabdillaahi Ibraahin, ayaa saaka booqday Iskuulkaa oo ku yaala Xaafada Xera-awr ee Magaalada Hargeysa.

Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), iyo masuuliyiinta kale ee booqday Iskuulka Araweelo News Network 11March  2020.
Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), iyo masuuliyiinta kale ee booqday Iskuulka Araweelo News Network 11March 2020.

Marwo Khadra Cali Cigaal, Cabdixakiim Maxamed sheekh (Cabdixakiim Jamhuuriya) , Marwo Amran Cali Xiis oo labada qof ee Marwo Khadra ku weheliyay yagleelida aasaaska dugsigaa iyo qaar ka mid ah Waalidiinta Caruurta lagu hayo iyo maamulka ayaa warbixin ka siiyay duruufaha haysta iskuulkaa iyo marxaladihii uu soo maray masuuliyiinta wasaaradda.

Cabdixakiim Maxamed sheekh (Cabdixakiim Jamhuuriya) oo ka mid ah dadkii aasaasay Iskuulka, isla markaana door weyn leh sidii Iskuulku usii socon lahaa, ayaa tilmaamay in Iskuulku ku tiirsanyahay saddex qaybood, marka laga hadlayo dhaqaalaha lagu maamulo, kuwaas oo ah qayb ka mid ah Waalidiinta Ardayda lagu hayo oo bixiya qadar dhaqaale ah, xubnaha maamulka iyo Xukuumadda oo ku kabta qayb ka mid ah kharashka Iskuulka, wuxuuna tilmaamay in Caruurta baahiyaha gaarka ah qabaa kusii badanayaan Somaliland, sidaa awgeed loo baahanyahay in laga yeesho siyaasad qaran.

Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE, Axmed Cabdi Dheere, Cabdinaasir Yuusf Qodax, ku xigeenka Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID, Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Maroodi-jeex ee qaybta galbeedka Cabdiqaadir Cabdilaahi Jaamac (Jeex) Araweelo News Network 11March  2020.

“1 Oct 2015, ayay ahayd markii aan aasaasnay Dugsigan, waxaan ahayn waalidiin isu yimi oo Ciyaalkoodii meel ay geeyaan garan waayay, waxan waday arrimo horrumar ah, sababtoo ah waxaan aasaasay Jaamacadda Hargeysa, Kulliyadda Neerasta iyo umulisooyinka, waxa kale oo aan ku jiraa Guddida Bahda Caafimaadka, Iskuulada Neersinka iyo Umulisooyinka dalka oo dhan hawshaas oo dhan annigoo ku jiray inankaygiina guriga ayuu joogaa oo ma haysto Iskuul.” sidaa ayay tidhi, Khadra Cali Cigaaal oo aasaastay Dugsiga Caruurta baahiyaha gaarka ah qaba ee aan awoodin inay hadlaan (Hargeisa Children Learining Cente).

Khadra Cali Cigaaal aasaasaha Dugsiga Caruurta baahiyaha gaarka ah qaba ee aan awoodin inay hadlaan (Hargeisa Children Learining Cente).Araweelo News Network 11March  2020.
Khadra Cali Cigaaal aasaasaha Dugsiga Caruurta baahiyaha gaarka ah qaba ee aan awoodin inay hadlaan (Hargeisa Children Learining Cente).Araweelo News Network 11March 2020.

Waxay sheegtay inay Bulshada Somaliland guryaha ku haystaan Caruurta Baahiyaha gaarka ah qaba, isla markaana ay qarinayaan oo aannay Caruurtaasi ahayn kuwo xataa ku tirsan qoyskooda iyo Bulshada toona, sidaa awgeed ay u baahan yihiin Caruurta noocan ah gurmad iyo helaan dugsiyo ay wax ku bartaan. sidaa awgeed baahida ugu weyn ee Dugsiga ay gacanta ku hayaan ay tahay inay helaan dhul looga dhiso, maadaama oo sida ay sheegtay Marwo Khadra ay Caruurtu u baahan yihiin goobo ay ku Ciyaaraan.

Marwo Amran Cali Xiis  oo ka mid ah shaqsiyaadkii  aasaasay Dugsiga Caruurta baahiyaha gaarka ah qaba  ee aan awoodin inay hadlaan (Hargeisa Children Learining Cente).Araweelo  News Network 11March  2020.
Marwo Amran Cali Xiis oo ka mid ah shaqsiyaadkii aasaasay Dugsiga Caruurta baahiyaha gaarka ah qaba ee aan awoodin inay hadlaan (Hargeisa Children Learining Cente).Araweelo News Network 11March 2020.

Amran Cali Xiis oo ka mid ah shaqsiyaadka ku garab istaagay yagleelida dugsigaa, ayaa ka warantay baahida ugu weyn ee xilligan inay tahay inay Caruurta ay gacanta ku hayaan u baahan yihiin dhulkii looga dhisi lahaa dugsi intan ka ballaadhan.

“Caruurta Xaafadaha lagu hayo ayaa ka badan dhawr iyo labaatanka aanu halkan ku hayno, sababta halkan loogu hayaa waa duruuf, markaa wasaaradda waxan ka doonaynaa in caruurtan loo helo dhul Iskuul looga sameeyo.” ayay tidhi, Marwo Amran Cali Xiis.

“Ilmahaygu wuxuu cunayay Ciida, wuxuu joogay Guriga, wuu baxsanayay maalin oo dhan waan raadin jiray, waxa ii yimi Gabadha Khadra, Cabdixakiim iyo gabadh kale, waxay ii sheegeen inay Iskuul Caruurta noocan ah ee Inankayga aan guriga ku hayay oo kale wax lagu barayo sameeyeen, runtii maan rumaysan, sababtoo ah anigaaba la kadeedna, balse markii ay igu celiyeen in haddii aan annigu ogolaado ay waxbarasho geynayaan waan aqbalay ugu danbayntii maantana Allah mahadii wuxuu bedelay dabeecadihii uu lahaa oo dhan, wuxuuna noqday ka ugu sareeya Imtixaanka laga qaaday, si weyn ayuuna isu bedelay.” ayay tidhi, mid ka mid ah Waalidiinta dhalay Caruurta lagu hayo dugsigaa, iyadoo dareenkeedu is bedelay markii ay dib u xusuusatay sidii ahaa wiilkeedu markii hore iyo sida ay ugu faraxsantahay maanta.

Mid ka mid ah Waalidiinta ku badhaadhay Dugsiga ee Caruurtoodu dhigato oo ka sheekaysay Ilamaheeda ka hor intii aan la keenin Dugsiga Caruurta baahiyaha gaarka ah qaba ee aan awoodin inay hadlaan (Hargeisa Children Learining Cente).Araweelo News Network 11March  2020.

Maamulaha Dugsiga Carruurta Caruurta baahiyaha gaarka ah qaba ee aan awoodin inay hadlaan (Hargeisa Children Learining Cente), Maxamed Cige, ayaa sheegay ayaa sheegay inay jiraan saggaal nooc oo Caruurta sidan oo kale ah, kuwaas oo todoba ka mid ah ay ku hayaan Iskuulka oo ay ka maqan yihiin kuwa dhegaha iyo Indhaha wax ka qaba.

Mr. Cige, wuxuu sheegay inay bil walba ka qaadaan Imtixaan, Ardaydaa oo tiradooda uu ku sheegay 23, wuxuuna xusay inay maanta halkan ku guddoonsiinayaan masuuliyiinta wasaaradda Waxbarashadda Somaliland ee wasiirku hoggaaminayaa Ardaygii ugu sareeyey oo noqday kii ay ka sheekaysay Hooyadii ee ka waramaysay duruufaha uu ku jiray markii aan laga soo kaxayn ka hor intii aan la keenin Iskuulka.

Dugsiga Caruurta baahiyaha gaarka ah qaba ee aan awoodin inay hadlaan (Hargeisa Children Learining Cente).Araweelo News Network 11March  2020.
Dugsiga Caruurta baahiyaha gaarka ah qaba ee aan awoodin inay hadlaan (Hargeisa Children Learining Cente).Araweelo News Network 11March 2020.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, Axmed Abokor oo hadal kooban ka jeediyay kulankaa, ayaa sheegay inkasta oo xukuumaddu ay maamusho dugsyo baddan oo culayskodoa leh, balse ay la dedaalayaan dugsiga Caruurta baahiyaha gaarka ah qabta.
Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa sheegay inay Wasaarad ahaan soo dhowaynayaan Iskuulka Caruurta (Hargeisa Children Learining Cente), wuxuu sheegay in Caruurta baahiyaha gaarka ah qaba iyo kuwa aan qabinba masuuliyad ka saarantahay Xukuumadda, isla markaana ay ku dedaalayaan sidii Iskuulada loogu dari lahaa Dugsiyo noocan ah.

Dugsiga Caruurta baahiyaha gaarka ah qaba ee aan awoodin inay hadlaan (Hargeisa Children Learining Cente).Araweelo News Network 11March  2020.
Dugsiga Caruurta baahiyaha gaarka ah qaba ee aan awoodin inay hadlaan (Hargeisa Children Learining Cente).Araweelo News Network 11March 2020.

Wuxuu amaanay dedaalka ay la yimaadeen dadkii aasaasay dugsigan oo sida uu sheegay ahmiyad weyn u leh qaranka, wuxuuna balanqaaday inay siinayaan dhulkii Caruurta lagu hayo gurigan looga dhisi lahaa Dugsi, isla markaana wixii taageero ah ay la garab taagan yihiin.

“waxan balan qaadaynaa wasaarad aahaan in aannu idin siino dhulkii Caruurtan aad halka ku haysaan looga dhisi lahaa Dugsi intan ka ballaadhan, waanuna tix gelinayanaa codsigiina, si aanu dedaalkiinu u dhicisoobin.” ayuu yidhi, Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), wuxuuna Ardayda guddoonsiiyay abaalmarinta lagu siiyay sidii ay u kala dedaal badnaayeen Imtixaankii laga qaaday.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE, Axmed Cabdi Dheere oo Marwadiisu hormood u ahayd aasaaska Iskuulka oo ka qaybgalay geba-gebada munaasibada Ardayda lagu gudoonsiinayay abaal-marinta, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay dedaalka loo sameeyay Caruurtaa oo maanta ay masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland goob joog ka yihiin inuu noqday mid midha dhal ah.