Wakiilka Khaaska Ah Ee Qaramada Midoobay Oo Kulan Albaabada Loo Xidhay La Yeeshay Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa(ANN)-Wakiilka khaaska ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaalida Ambassador, James Swan iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta kulan albaabada loo xidhay la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii iyo Ambassador James Swan 28 July 2019
Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii iyo Ambassador James Swan 28 July 2019

Kulankaa oo dhawr saacadood qaatay, waxa markii uu dhammaaday Warbaahinta si wada-jir ah ugula hadlay barxada qasriga Madaxtooyada wasiirka horumarinta maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay Amassador James Swan, waana ay tilmaameen in kulankaasi kusoo dhammaaday guul iyo is afgarad buuxa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii iyo Ambassador James Swan iyo wefdiga la socday  28 July 2019
Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii iyo Ambassador James Swan iyo wefdiga la socday 28 July 2019

Dr. Sacad, ayaa sheegay in arrimaha kulankaa lagaga wada-hadlay ay kamid yihiin hirgelinta mashaariicda kala duwan ee hay’addaha qaramada midoobay ka wadaan Somaliland, iyo sidii ay  qaramada midoobay iyo Jamhuuriyadda Somaliland iskaga kaashan lahaayeen  ka midho dhalinta hawlaha bani’aadamnimo ee  dalka ka socda iyo arrimo kale.

 Ambassador James Swan  iyo Wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad oo warbaahinta la hadlaya  28 July 2019
Ambassador James Swan iyo Wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad oo warbaahinta la hadlaya 28 July 2019

Dhinaca kale Wakiilka gaarka ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Ambassador James Swan, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilnad uga mahadnaqay sida diirran ee uu  usoo dhaweeyey, isagoo bogaadiyey horumarka ay Somaliland ka gaadhay dhinacyada, ammaanka iyo dhaqaalaha.

 “Waxa aan wada-hadal wanaagsan la qaatay Madaxweynaha iyo wasiirradiisa, waxa aannu si gaar ah uga wada hadalnay sidii dhidibbada loogu adkayn lahaa guulaha iyo horumarka ay Somaliland gaadhay, iyada oo si nabadgelyo ah loo xallinayo dhammaanba waxyaabaha lagu kala duwan yahay, lana joogtaynayo hannaanka wada-hadalka,” ayuu yidhi James Swan.

Sidoo kal, wuxuu guul ku tilmaamay halka ay gaadhay Somaliland, isagoo xusay in xilliyadii sagaashanaadkii oo uu Somaliland imanayay, xilligaa oo sida uu sheegay ka mid ahaa Saraakiisha Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNDP, wuxuuna yidhi, “intii ay Somaliland jirtay waxay ku tallaabsatay horrumar ballaadhan, amaanka iyo awooda Milateri, nabada iyo xidhiidhka beesha Caalamka, waanuna joogtayn doonaa xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Qaramada Midoobay” ayuu yidhi, Ambassador James Swan

Waxa kale Ambassador James Swan xusay inay dedaal badan geliyeen  kor u qaadista hawlaha bani’aadamnimo iyo gacan siinta bulshada nugul iyo qaxootiga ay qaramada  midoobay caawiso.

Balse Wakiilka khaaska ah ee Ergayga Xoghayaha Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaalidu masoo hadal qaadin wada-hadaladii burburay ee u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana saxaafada loo diiday inay wax ka weydiiyaan arrimaha uu ka hadlay iyo kuwo kale oo la xidhiidha socdaalkiisa.

Ambassador James Swan oo todobadkii horre ka badbaday qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho oo sababay dhimashada iyo dhaawaca sababay, ayaa si cad u sheegay inuu faraxsanyahay amaanka Somaliland iyo sida ay Somaliland uga duwantahay Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay waxa kulanaka dhinaca xukuumadda Somaliland ku weheliyay, madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wasiirrada wasaaradaha horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, xannaanadda Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Xasan Maxamed Cali, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, mudane cabdiqaadir Cumar Jaamac, La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Dr. Cismaan Sheekh Axmed iyo Ergeyga gaar ah ee Somaliland u qaabilsan Hay’addaha caalamiga ah iyo qarmada midoobay Dr Maxamed Warsame Ducaale.