Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ugu ambo baxay dalka Jamhuuriyadda Djibouti oo uu ka furmi doono shir u dhexeeya dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo ay xubno ka yihiin Guddoomiyaha golaha Guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, Wasiirada Wasaaraddaha Arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga caalamiga ah,

Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Farotoon), horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed, Ganacsiga, wershadaha iyo Dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad Saajin , Ergayga gaarka ah ee wada-hadallada Somaliland, Marwo Edna Aadan Ismaaciil iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo isagu shirka kaga biiri doona Djibouti, ayaa lagu wadaa inay ka qayb galaan shir ballaadhan oo ay soo qabanqaabiyeen dalalka Maraykanka iyo Djibouti, kaas oo lagu wada hadashiin doono dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah Prod. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Farotoon) oo ka hor intii aanay weftigu ambo bixin saxaafadda la hadlay, ayaa shaaciyey inay weftiga uu madaxweynuhu hoggaaminayaa ka qaybgelayaan  shir ballaadhan oo lagu casuumay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu  yidhi, “Saaka waxan halkan Isku soo taagay inaan idiin sheego inuu dalka ka ambo baxayo wefti uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, weftigaasina waxa uu u baxayaa dalka Djibouti, waxana madaxweynaha ku wehelinaya guddoomiyaha golaha guurtida, Afar wasiir iyo Edna Aadan Ismaaciil oo ah Ergayga gaarka ah  wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Weftigaasi waxa uu u baxayaa inuu ka qaybgalo shir lagu casuumay oo ay soo qabanqaabiyeen dawladaha Jabuuti iyo Maraykanka, islamarkaana ay kasoo qaybgelayaan madax kale oo badan oo uu kamid yahay Ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya, waxana shirkaas la isugu keenayaa Somaliland iyo Soomaaliya.”ayuu yidhi, Faratoon ka hor intii aannay ka bixin Madaarka.