Araweelo News Network

cusbitaalkaceergabodibudhis

Ceerigaabo (ANN)-Xaflad lagu dhagax-dhigayey bilowga dib-u-dhiska iyo dayactirka Cusbitaalka Guud ee Ceerigaabo, ayaa lagu qabtay magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag.
Mubaasabaddan ayaa ahayd bilowga howsha dhismaha iyo dayactirka Cusbitaalka Ceerigaabo, taas oo ah qayb ka mid ah mashruuca caafimaadka Sool iyo Sanaag. Mashruucan waxa fulinaysa Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, waxaana maalgaliyay Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF).
Mashruucan ayaa ujeeddadiisu tahay sidii loo horumarin lahaa in ay helaan dadyowga ku nool gobolka Sanaag adeegyada daryeelka caafimaad ee muhiimka ah, iyadoo dayactir iyo dib u qalabayn lagu sameynayo Cusbitaalka Guud ee magaalada Ceerigaabo, isla markaana dib loo howlgelinayo nidaamyada maamul ee cisbitaalka. Marka la dhammeystiro, cusbitaalka Ceerigaabo wuxuu tusaale u noqon doonaa gobolka Sanaag, isagoo bixin doona adeegyada daryeelka caafimaadka sida shaybaadh iyo daawayn casri ah oo dadku tahli karo. Wejiga hore oo ah dib-u-dhiska iyo dayactirka marka la dhammeeyo waxa cusbitaalka lagu qalabeyn doonaa qalabka daaweynta iyo shaybaadhka oo kufilan iyo dhakhaatiir khibrad leh. Marka gabi ahaanba cusbitaalku howlgalo, dadka ku nool gobolka Sanaag waxa ka raysan doonaan culayskii ka haystay in ay u safraan gobollada si ay uga helaan adeeg caafimaad.
Xafladda dhagax-dhigga waxa goob-joog ahaa Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Caafimaadka Mr. Maxamuud Aadan Jaamac iyo saraakiil kale oo xukuumadda ka tirsan oo uu ka mid yahay Badhasaabka Gobolka Sanaag Md. Axmed Cabdi Falaay, Duqa maagaalada Ceerigaabo Md. Ismaaciil Xaaji Nuur, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Saleeban Jaamac Diiriye iyo qaar ka mid ah dadwaynaha ku nool magaalada Ceerigaabo.
Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Caafimaadku isaga oo ka hadlaya munaasabaddan ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay ahmiyadda mashruucan caafimaadku u leeyahay muwaadiniinta reer Somaliland, gaar ahaan dadka ku nool gobolkan Sanaag, waxaannu yidhi; “Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay dedaal dheer u gashay sidii ay u heli lahayd mashaariic ka taageeraya fidinta adeegyada aasaasiga ah, gaar ahaan dib u soo noolaynta adeegyada caafimaadka gobolka Sanaag. Waxaan aad uga mahadcelinayaa taageerada joogtada ah ee qaadhaan-bixiyayaasha Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) ay ku maal-galiyeen mashaariic ku sidkan Qorshaha Horumarinta Qaranka. Maaha mashruucan oo kaliya mashaariicda ay Dawladdu ka hirgalinayso gobolkan Sanaag. Waxa jira mashaariic kaloo ay ka mid yihiin, mashruuca waxbarashada, biyaha iyo kalluumaysiga oo ay iyana hirgalinyaan Wasaaradaha kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland. Marka cusbitaalku gabi ahaanba shaqadii dib u bilaabo, dadka ku nool gobolkan Sanaag waxay ka heli doonaan adeegyada caafimaadka ee muhiimka ah reer Sanaag-na waxay ka raysan doonaan inay u safraan gobolada kale oo ay adeeg caafimaad ka raadsanadaan.”
Waxqabadyada kale ee mashruuca caafimaadka laga maalgelinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), isla markaana ay ka hirgalinayso Wasaaradda Caafimaadku gobolada Sool iyo Sanaag waxa ka mid ah:
1. Horumarinta adeega maamulka ee Cusbitaalada Ceerigaabo iyo Laascaanood, iyadoo ay hirgelintoodana ay Wasaaradda kala shaqayn doonaan qandaraaslayaal
2. Keenidda daawooyin, qalabka shaybaadhka caafimaadka iyo waxyaabaha kale ee loo isticmaalo daaweynta si loo horumariyo tayada adeega caafimaad ee cusbitaaladan.
3. Dib-u-dhiska iyo dayactirka Cusbitaalka Guud ee Laascaanood oo hadda gacanta lagu hayo.
4. Keenidda gaadiidka gargaarka degdega ah iyo gawaadhi kaloo ay xafiisyadu adeegsadaan si kor loogu qaado adeega soo gudbinta bukaanka ee goboladan.
5. Horumarinta awoodda iyo dhisidda hab-maamulka Cusbitaalada Guud ee Ceerigaabo iyo Laascaanood si kor loogu qaado gudbinta adeeg tayo leh. Cisbitaaladan waxay sii wadi doonaan inay bulshada ka haqabtiraan adeegyada caafimaadka, waxaana si madaxbannaan u maamuli doona gobolada marka mashruucu dhammaado.
Sanduuqa Horumarinta Somaliland waa deeq lacageed oo loogu talogalay in lagu caawiyo Dawladda Somaliland, kaas oo soconaya muddo afar sanno ah. Sanduuqa waxa loogu talo galay inuu qayb ka noqdo Qorshaha Shanta Sanno ee dhinaca Horumarinta Somaliland. Sanduuqa waxa maalgaliyay Hay’adda Horumarinta Caalamiga u qaabilsan Dawladda Ingiriiska (DFID), Hay’adda Horumarinta Caalamiga u qaabilsan dalka Denmark (DANIDA), Dawladaha Norway iyo Boqortooyada Netherlands.
Booqo (www.somalilanddevelopmentfund.org) si aad macluumaad dheeraad ah uga hesho Sanduuqa iyo mashaariicda kala duwan.