Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa saaka albaabada u laabtay xarumaha laba Telefishan oo ka hawlgala magaalada Hargeysa, waxaana arrintaa markiiba ka hadlay, Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, isagoo tallaabadaa ku tilamaamay mid sharci-darrado ah oo ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi qaaday.

Xarumaha labada warbaahinood ee saaka albaabbada ugu laabtay, ayaa ah Telefeshinka Horyaal24 TV iyo Eryal TV, kuwaas oo ay saaka subaxdii hore Ciidammo Boolis ahi la wareegeen xarumohooda, suxufiyiin iyo hawl-wadeenno ka hawlgalana xabsiga la dhigay.

Xukuumaddu Somaliland ma sheegin sababta keentay inay ciidammo hubaysan la wareegaan xarumaha labadaas TV ee magaalada Hargeysa, balse waxay ku amartay inaanay shaqayn Karin oo ay xayiran yihiin.

War-saxaafadeedka, wuxuu Ururka SOLJA, sharci-darro iyo cabbudhin saxaafadda lagula kacayo ku tilmaantay, cambaaraysanayna tacaddiga iyo cabbudhinta ay xukuumaddu ku hayso madax-bannaanida warbaahinta xorta ah. Sida lagu sheegay War-saxaafadeedka ka soo baxay ururka SOLJA oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta Araweelo News Network maanta, kaas oo u dhignaa sidan:-

“Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxa uu si adag u canmaaraynayaa talaabadda Xukuumadda Somaliland saaka ku xidhay labada Telefishan ee kala ah Horyaal TV iyo Eryal, kuwaas oo ay ciidammada Booliisku saaka la wareegeen, kuna amreen inaanay shaqayn karin.

Ururka SOLJA, waxa uu tallaaadan u arkaa mid sharci-darro ah oo ay xukuumadda Somaliland ugu talogashay si sharciga baalmarsan inay albaabbada ugu laabto hay’ado warbaahineed iyo suxufiyiinta ka hawl-galaba.

Awood ku muquuninta iyo gacan ku qaadashada awoodaha Garsoorka ee ay xukuumadda Somaliland ku fulinayso Warbaahinta iyo muwaaddiniinta kale, waa kuwo mugdi gelinaya nidaamka dimuquraadiyaddeed iyo xorriyatul-qawl ee Dastuurka Somaliland dammaanad qaaday.

Ururka SOLJA , waxa uu u arkaa tallaabooyinkan soo noq noqonaya ee sharci-darrada ah kuwo ka hor imanaya ballan-qaadkii iyo Codka ay xukuumadda talada haysaa ku fadhido ee ahaa sharcigaa sarraynaya, iyadoo taas beddelkeeda u isticmaalaysa sharci-jebin.

Ururka SOLJA, marar badan buu xukuumadda kala taliyey inay nidaaka sharciga ah u marto cabasho kasta oo ay warbaahinta ka qabto, hase yeeshee waxay u muuqataa inay ka doorbidayso inay dariiq qaldan mar walba u marto, iyadoo sumcad-xumo u soo jiidda qaranka.

Tallaabadan ay xukuumadda Somaliland ku xidhay labada Telefishan, waxay noqonaysaa tii saddexaad ee ay muddada ay xilka hayso ku xidho hay’ad warbaahineed, iyadoo noqonaysa dhacdadii 20-aad ee sannadkan gudihiisa ay ku beegsato Weriyayaal, isla markaana ku xidho hay’ado warbaahineed.

Warbaahinta Somaliland waxay la daalaa dhacaysaa dhibaatooyin is biirsaday oo ay xukuumadda talada haysaa sannad iyo badhkii ay xilka haysay kula kacday, kuwaas oo ay ka mid yihiin; inay ka hor istaagto inay si madax-bannaan u doontaan wararka, sidoo kale, waxay ku soo rogtay inay hawada ka saarto Astaamahooda iyo qalabka ay isticmaalaan mararka ay ka qaybgalaan shirarka waaweyn ee muhiimka ah.

Uruka SOLJA, waxa uu aad uga walaacsan yahay qorshaha ay ka damacsan tahay xukuumadda talada haysaa warbaahinta, iyadoon marnaba xil iska saarin waxbana aan ka fulin ballanqaadyaddii ay hore ugu samaysay.

Saxaafadda Somaliland waxay geyaysiisay xukuumadda talada haysaa inay ka hadhaan horumarrada ballaadhan ee dalalka jaarkeenna ah amma kuwa dunidu siiyaan hay’adahooda warbaahineed, haddii ay noqoto Tabobbarro iyo shuruucba, iyadoo ay illaa hadda Suxufiyiinta Somaliland la’yihiin Siyaasad iyo Qoshe cad oo ay kaga shaqaystaan dalka oo ay xukuumaddu samaysay.

Dal laguma maamuli karo Digreeto Madaxweyne iyo mid Wasiir, Suxufiyiinta Somalland waxay hay’addaha Garsoorka ka codsanayaan inay laalaan go’aanka baalmarsan Dastuurka iyo xeerka Saaxafadda ee ay xukuumaddu caadaysatay.

Ugu danbayntii, Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa inay ciidammada ka dul qaaddo xarumahaas (TV-yada), kana noqoto go’aanka sharci-darrada ah ee ay dul dhigtay oo ah mid laf-jab ku ah hannaanka Cadaaladeed ee Dalka.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka Ururka SOLJA ka soo baxay oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto).”