Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xeerarka wax-ka-bedelka iyo kaabista lagu sameeyay oo sii houriyay xiisadda khilaafka doorashooyinka, ayaa loo gudbiyay maanta gollaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland.

Laxidhiidha: Somaliland: Gollaha Wakiillada Oo Si Lama Filaan Ah U Meel Mariyay Doorashooyin Isku Sidkan

Xoghayaha Gollaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo maanta qaar ka mid ah warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in labada Xeer ee shalay gollaha Wakiilladu ku sameeyeen wax-ka-bedelka iyo kaabista ee xeerka saddexaad ee Ururada Siyaasada iyo axsaabta Qaranka, Xeer.L.R/14.2011, iyo xeerka guud ee doorashooyinka iyo diiwaangelinta cod bixiyayaasha xeer L/R 91, 2020., loo gudbiyay gollaha Guurida si ay waajibkooda dastuuriga ah uga gutaan.

Laxidhiidha: Wax Ka Beddel iyo Kaabis Lagu Sameeyay Laba Xeer oo khuseeya Doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Ururada iyo Axsaabta

Laba xeer oo ay shalay muddanaayasha gollaha Wakiilladu ku sameeyeen wax-ka-bedel iyo kaabis, isla markaana xanbaarsan nuxur ahaan in labada doorashado ee lagu muransanyahay ee Madaxtooyadda iyo tartanka Ururada Siyaasada iyo Axsaabta qaranka laysku lamaaneeyo.

Sidoo kale, waxyaabaha ay nuxur ahaan xanbaarsan yihiin waxa ka mid ah in xisbiyadu laba muddo doorashada Madaxtooyadda ay u tartami karaan, iyadoo lagu kabay haddii muddada Madaxweynaha la kordhiyo in ay la kordhayso muddada Xisbiyadu.

Haseyeeshee waxa lagu muujiyay nuxur ahaan in mar lawada qabto labada doorasho ee Madaxtooyadda iyo Ururada Siyaasada, balse aannay Ururadu u tartamayn xilka Madaxweynaha ee ay Xisbiyo usoo usoo gudbiyaan marka laysku lamaaneeyo labada doorasho, wallow aan la ogayn waxa ay guurtidu ka yeelay wax-ka-bedelka iyo kaabista lagu sameeyay labada xeer ee xaasaasiyada siyaasada iyo khilaafka boodhka kusii kiciyay.

Dhinaca kale, wax-ka-bedelka iyo kaabista labada xeer oo aan helin aqlabiyad buuran, waxaa ka dhashay kala qaybsanaan xildhibaanada golllaha Wakiillada ah, taas oo sababtay xiisad mar kale ka aloosantay gollaha, isla markaana saamayn ku yeelatay jawiga siyaasadda Somaliland muddo dhawr bilood ah cakirnaa, kaddib markii uu saaxadda hadheeyay khilaafka xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo labada Xisbi mucaarad oo ku mursan arrimaha doorashooyinka iyo siday u kala horaynayaan labada doorasho ee Madaxtooyadda iyo tartanka Ururada Siyaasada.

Laxidhiidha: Sawaxan Iyo Buuq Ka Dhashay Waxyaabaha Laga Bedelay Xeer 14, Saamaynta Doorashooyinka Iyo Dhismaha Axsaabta

Arrimahan oo sii xoojiyay khilaafka, ayaa kusoo beegmay iyadoo ay durba is diiwaangeliyeen 15 Urur siyaasadeed oo sugaya marka ay kasoo gudbaan dhammaystirka shuruudaha loo dhigay inta kasoo hadhaa in ay tartan galaan saddexda xisbi ee hadda jira, waxayna durba ururada jiraa qayb ka noqdeen khilaafka sii cuslaanayaa ee arrimaha doorashooyinka Somaliland oo lagu kala qaybsan yahay, isla markaana aannay caddayn xilliga ay dalka ka qabsoomayaan, maadaama aannu jirin jawi siyaasadeed oo degan iyo muddo lagu yahay heshiis oo laysla qaatay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com