Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Suldaan Saleebaan Cismaan Xasan oo caan ku ah (Suldaan Habaar), ayaa weerrar gacan ka hadal ah ku qaaday Xildhibaan Axmed Yuusuf Nuur Guruuje oo ka mid ah xildhibaanada gollaha wakiillada Somaliland ee dhowaan la doortay.

Xildhibaanka oo warbaahinta la hadlay markaa kaddib, ayaa sheegay in saaka subaxdii hore xilli uu marayay gobolka, gaar ahaan dhismihii hore ee Wasaaaradda Arrimaha guddaha Somaliland oo ah kasoo horjeedka dhismaha  Wasaaradda Ciyaaraha ee shacabka Hargeysa oo ay ku yaaliin dhismayaasha xarumaha wasaaraddaha iyo Madaxtooyadda Somaliland uu la kulmay weerrarkaa oo sida uu sheegay kusoo qaaday Suldaan Saleebaan Csimaan (Suldaan Habaar), sidaana ay kusoo gaadheen dhaawacyo markii uu dhawr goor hangool ku dhuftay.

Dadka goobta ka dhowaa oo u badnaa dhalinyaro ayaa xidlhibaanka ula cararay Cusbitaalka Hargeysa oo aan ka fogayn goobta, halkaas oo lagaga dhayay Xildhibaan Axmed Yuusuf Nuur Guruuje dhaawaca soo gaadhay.

Guddoomiyaha gollaha Wakiillada Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif,  ayaa gurigiisa ku booqday Xidlhibaan Guruuje, wuxuuna sheegay in sharciga lagu dhamayn doono arrinta xildhibaanka iyo Suldaanka.

Dhinaca kale, waxa arrintan ka hadlay Guddoomiye xigeenka koowaad ee gollaha Siciid Mire (Giire) oo sheegay in gollaha waakiilladu ka noqonayo dhibane weerrarka lagu qaaday Xildhibaanka ee gacan ka hadalka ah.

Qaar ka mid ah xildhibaanada gollaha wakiillada Somaliland, ayaa dhankooda si weyn u canbaareeyay falkaa, waxayn ku tilmaameen mid foolxun oo ay lagama maarmaan tahay in sharciga la horgeeyo  Ninkii fuliyay.

Xildhibaan Axmed Yuusuf Nuur Guruuje, ayaa usoo jeediyay Wasiirka Arrimaha guddaha iyo Taliyaha Booliska in ay sharciga hor keenaan Ninka weerrarka kusoo qaaday ee dhaawacyada gaadhsiiyay,.

Sidoo kale, wuxuuna xusay in haddii ay sidaasi dhiciweydo ay noqonay in dadka laysku fasaxo oo qofku sharciga gacantiisa ku qaato.

“Maalin cad ayaa laygu soo weerraray meel aan ka foggayn Madaxtooyadda oo dhismayaashii xarmaha dawladda oo dhan ka dhisan yihiin, markaa haddii aan tallaabo sharci ah laga qaadin waxay muujinaysaa in amaanka Hargeysa aanu ahayn mid sugan,.”

“Wasaaradda arrimaha guddaha iyo Taliyaha Booliska waxaan leeyahay haddii aan sharciga la hor keenin waxay noqonaysaa in dadka laysku fasaxo oo ay sharciga gacanta ku qaataan.” Sidaa waxa yidhi, Xildhibaan Guruuje oo ka hadlayay arrinta weerrarka dhaawacyada loogu geystray.

Ma cada sababta dhalisay weerrarka dhaawaca loogu geystay Xildhibaanka, balse Maalmihii lasoo dhaafay Xildhibaanka iyo Suldaanka ayaa warbaahinta isu mariyay hadalo weerrar ah, iyadoo midba midka kale uu canbaaraynayo, waxaana la rumaysan yahay in ay sabab u tahay arrintaasi.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.