“Ma jirto cid la qaybsanay shirguddoonka sharcidaradii iyo masuuliyaddaradii ka dhacday gollaha ee khaayinimada ahayd, Guddoomiyihii iyo gudoomiye xigeenkii koowaad” Garyaqaan Mustafe Axmed Khayreeye

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xildhibaano sheegay in ay yihiin aqlabiyadii gollaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si weyn uga cadhooday xeerar uu shalay gollaha wakiilladu ku sameeyay wax-ka-bedelka iyo kaabista oo saakal loo gudbiyay gollaha Guurtida.

Garyqaan Mustafe oo u hadlay xildhibaanada daadefeeyey labada xeer wax ka bedelka iyo kaabista lagu sameeyay oo ruxaya mooshin ku waajahan shirguddoonka gollaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Image Araweelo News Network

Garyaqaan Musatafe Axmed Khayreeyee oo ah guddoomiyaha guddida Dabagalka Hantida Qaranka ee Gollaha Wakiillada, isla markaana ah mudanayaasha ugu cad-cad gollaha wakiillada Jamhuuryadda Somaliland oo ay hareera joogaan in baddan oo ka mid ah muddanayaasha gollaha Wakiillada, ayaa warbaahinta la hadlay, isagoo si cad u sheegay in aannay marnaba aqbalayn labada mooshin ee shalay gollaha wakiillada la mariyay, kuwaas oo wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyay labada Xeer ahmiyad weyn u lah qaranka lagu meel mariyay.

Laxidhiidha:Xeerarka Xiisaddu Ka #Aloosantay Oo Guurtida Loo Gudbiyay Iyo Xaaladda Cakiran Ee Siyaasadda

Afhayeenka xildhibaanada aqlabiyada ee ka horyimi wax-ka-bedelka iyo kaabista ee xeerka saddexaad ee Ururada Siyaasada iyo axsaabta Qaranka, Xeer.L.R/14.2011, iyo xeerka guud ee doorashooyinka iyo diiwaangelinta cod bixiyayaasha Xeer L/R 91, 2020., kuwaas oo loo gudbiyay gollaha Guurida si ay waajibkooda dastuuriga ah uga gutaan.

Afhayeenka Xildhibaanada Aqlabiyada Garyqaan Mustafe Axmed Khayreeye oo u hadlay xildhibaanada daadefeeyey labada xeer wax ka bedelka iyo kaabista lagu sameeyay, Image Araweelo News Network

Hase yeeshee Garyaqaan Mustafe Axmed Khayreeye, wuxuu ku tilmaamay in arrintaasi ahayd mid khaldan oo aan la marin dariiqa sharciga, isla markaana wuxuu ku eedeeday shirguddoonka gollaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif oo fadhiga guddoominayay in uu ka baydhay dariiqa sharciga ah iyo dhexdhexaadnimadii loo baahnaa inuu gollaha ku hoggaamiyo.

Laxidhiidha: Somaliland: Gollaha Wakiillada Oo Si Lama Filaan Ah U Meel Mariyay Doorashooyin Isku Sidkan

“Dhacdadani waxay ahayd qayral sharci aan lahayn raad-raac sharci, kaddib markii 33 Muddane oo gollaha fadhiyay soo codsadeen mooshino wax lagaga bedelayo laba xeer oo waaweyn, waana arrinta aannu halkan isugu nimi,” ayuu yidhi, Gaytaqaan Mustafe, wuxuuna sheegay in ay ka xunyihiiin wixii shalay gollaha ka dhacay, waxaanu ka xunahay falkaa oo masuuliyadeeda uu leeyahay guddoomiyaha gollaha wakiiillada, ayuu raaciyay.

Laxidhiidha: Wax Ka Beddel iyo Kaabis Lagu Sameeyay Laba Xeer oo khuseeya Doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Ururada iyo Axsaabta

“Waxa lagu tuntay Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland qodobkiisa 38, faqradiisa 4aad oo tilmaamay qaabka uu gollaha wakiiladu u gudanayo waajibaadkiisa oo tilmaamaya Xeer hoosaadka gollaha wakiilada, iyadoo Qodobka 24aad ee xeer hoosaadka gollaha oo tilmaamaya qaabka codayntu u dhacayso, shan faqradood oo ka mid ah ka ayay ka hor imanayaan wixii shalay ka dhacay gollaha, marka waxan oo kale oo sharciga baalmarsan ay dhacaana waxa tilmaamaya qodobka 72 ee xeer hoosaadka faqradiisa 1aad.” ayuu yidhi.

Xildhibaan Mustafe Khayreeye oo gacanta ku hayay Mooshin uu sheegay in ay Sabtida geynayaan gollaha wakiillada, ayaa sheegay in ay saxeexeen mooshinka 46 xildhibaan oo ah aqlabiyada gollaha wakiillada, isagoo si cad u sheegay in aannay jirin wax la ansixiyay.

Laxidhiidha: Sawaxan Iyo Buuq Ka Dhashay Waxyaabaha Laga Bedelay Xeer 14, Saamaynta Doorashooyinka Iyo Dhismaha Axsaabta

“Ma jirto cid la qaybsanay shirguddoonka sharcidaradii iyo masuuliyaddaradii ka dhacday gollaha ee khaayinimada ahayd, Guddoomiyihii iyo gudoomiye xigeenkii koowaad ee guddoominayay gollaha, waxan leenahay haddii ay idiinka qaama bateen gollihii intii shalay fadhiday , waynu kala dheeraynay ee waynu isa soo gaadhi ayaan idin leenahay.” ayuu yidhi. Garyaqaan Mustafe .

Muuqaalkan ka Daawo Xildhibanaada.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com