Araweelo News Network

Abduqaadir Jirde

Hargeysa(ANN)-Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa hakiyay liiska guddiyo sagaal qaybood ah oo Xisbigu magacaabay maalmihii lasoo dhaafay.

War-saxafadeed uu ku saxeexanyahay Guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jirde ayaa lagu hakiyay liiska guddiyadaas, kaas oo u dhignaa sidan:-

Ku; Dhammaan Xubnaha Guddiyada.                                            Hargaysa.

Og: Guddoomiyaha Xis   WADDANI.                                                   Hargaysa.

Og: Hoggaanka       Xis      WADDANI.                                                   Hargaysa.

Og: Hoggaamiyaha Xis  WADDANI.                                                        Hargaysa.

Og: Xoghaaha Guud Xis  WADDANI                                                        Hargaysa.

       

    Ujeedo: Hakin Liiskii Guddiyada.

 

Kadib markii aan la tashaday Murashaxa Xisbiga, oo xiligan ku maqan gudashada waajibaadka Xajka, markii aanu isla qaadanay in dib u eegis iyo sixitaan lagu sameeyo guddiyadii la magacaabay, waxa la go’aamiyay in liiskii guddi hawleedkii soo baxay, uu aha mid aan dhammays tirnayn, isla markaana qaybo kala  duwani ka dhinayeen, sidaa daraadeed guddidaas waa la hakiyay, mana hawl galayso ilaa la dhammays tiraayo.

 

Xil. Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jirde……….

Guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI.