Araweelo News Network.

 

Caynabo (ANN)-Maxkmadda gobolka Saraar ayaa xukun iyo mag-dhaw ku riday Nin lagu eedeeyay inuu gabadh yar oo 15 jir ah ku kufsaday Degmada Ceelal ee gobolka Saraar.

Garsooraha maxkamadda gobolka Saraar, ayaa sheegay markii uu xukunka ku dhawaaqayay in eedaysane Cadi jaamac Bulaale lagu helay kiiska uu ku eedaysnaa, isagoo  19 September 2020  degmada Ceelal ku kufsaday gabdh yar oo 15 Jir ah.

Maxkamaddu markay qiimaysay dhibka inanta gaadhay iyo fool-xumada kufsigu leeyahay waxay ku xukuntay Cabdi Jaamac Bulaale 13 sannadood oo xadhig ah iyo $ 2,000 dolalar oo magdhaw ah, markii ay cadaatay inuu si badheedha u geystay kiiskaa isagoo ah caadayste.

 

Maamulka gobolka Saraar, ayaa sidoo kale sheegay in Kufsi kale iyo weliba dil uu ka dhacay deegaankaa, kaas oo ay sheegeen in hawshiisa lagu jiro, isla markaana sharciga la marinayo, waxayna masuuliyiinta Maxkamadda gobolka Saraar iyo maamulku ka digeen Odayaasha isku daya inay arrimahan oo kale qaab aan sharci ahayn u galaan si loo duudsiyo dhibanaha.