Araweelo News Network.

 

#Somaliland: Xukuumadda Oo Sheegtay In Baadhitaan Lagu Samaynayo Faafinta Eeddaha Kiristaanimada Ee Haweenayada Ee Maamusha Jaamacadda Barwaaqo Iyo Dugsiga Abaarso

Kaniisada Sare Ee (The Elevation Church) oo Ka Hadashay Arrimaha Pastor Joy Isa

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in ay baadhitaan ku samaynay tuhunada iyo mad-madawga dhanka faafinta Kiristaanimada ee lagu eeddeeyay Iskuulka Abaariso ee dulleedka Magaaladda Hargeysa oo sheekooyinka la xidhiidha arrimahaa ay kusoo noq noqdeen dhegaha bulshadda dhawrkii sannadood ee u danbeeyay.

Balse maalmihii u danbeeyay si weyn bulshaddu su’aalo isaga weydiinaysay, sidaa awgeed xukuumadda Somaliland Wasaaradda u qaabilsan Diinta iyo Awqaafta, ayaa shaacisay in iyadoo daba socota eeddahaa lala xidhiidhay Dugsigaa Abaarso iyo qaybtiisa Jaamacadda Barwaaqo in ay faafiyaan Diinta masiixiga lagu samaynayo baadhitaan.

Qoraal kasoo baxay maanta wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, ayaa lagu sheegay in arrintaa baadhitaan dhab ah lagu samaynayo. Kaddib markii sheekadda Haweeneyda Baadariyada ah ee madaxda ka ah Jaamacada Barwaaqo, ismarkaana asal ahaan u dhalatay dalka Nigeria si weyn bulshaddu ugu dhaliisahay xukuumadda joogitaankeeda Hargeysa.

“Sida aad la wada socotaan, waxaa maalmahan soo baxaya tuhunno la xidhiidha Jaamacadda Barwaaqo iyo Iskuulka Abaarso, iyadoo la sheegayo in maamulaha Jaamacaddaasi ay tahay Baadariyad faafinaysa Diinta Kiristanka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada.

“Haddaba, Wasaaradda Diinta iyo Awaaafta oo kaashanaysa Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska, waxa ay baadhayaan oo ay gacanta ku hayaan tuhunnadaasi soo baxaya. Sidaa daraadeed, dadweynaha waxaa laga codsanayaa inay dhowraan natiijada baaritaanka ee arrintani” ayaa lagu soo gebagebeeyey qoraalka Wasaaradda.

Arrintan ayaa si weyn ugu faaftay saacadihii u danbeeyay baraha bulshada, kaddib markii xabsiga loo taxaabay Weriye Cabdimaalik Coldoon oo arrintaa ifka usoo saaray, isla markanaa baraha bulshadda ku faafiyay in Haweenayda Maamulaha ka ah Jaamacadda Hablaha khaaska u ah ee Barwaaqo University oo lagu magaacbo ( Joy Isa) isla markaana loogu yeedho (Pastor Joy Isa / Shiikhad Joy Isa) in ay faafinay diinta Kiristanka, balse saacado kaddib ayaa xabsiga loo taxaabay Weriye Colddoon, iyadoo ciidamadda Boolisku kasoo xidheen Magaaladda Burco, kaddibna usoo qaadeen dhinaca Magaaladda Haregsya.

Balse waxa muuqata in aannay ahayn wax qarsoon hawsha ay haweenaydaasi hayso ee u joogto Somaliland, iyadoo aannu ahayn xilka ay hayso iyo masuuliyadda ay ka hayso kaniisadaha waaweyn ee Kiristanka, kuwaas oo ka buuxa Boggaga ay ku leedahay Twitterka iyo Mareeggaha ka hadla arrimaha faafinta Kiristaanka.

Kaniisad fadhigeedu yahay Lagos ayaa raaligelin ka bixisay qoraal ay soo dhigtay barteeda twitter-ka, qoralkaa oo ku tilmaamay in booqashada mid ka mid ah wadaaddada sare Joy Isa ee Somaliland inuu yahay Adeegto.

 

Waxaan raaligelin ka bixineynaa qoraalkii 18 -ka July ee Twitter,  kaas oo si qaldan uga hadlay ujeeddada ay Mrs Joy Isa u tagtay Somaliland. Taasi waxay ahayd khaladkayaga mana aha mid ka timid Mrs Isa lafteeda. Mrs Isa waligeed ma aysan noqon shaqaale Kaniisadda, mana mataleyso magacayaga ballankan ”ayaa barteeda Twitter lagu soo qoray, balse qoraalkan ayaa u muuqda mid lagu dejinayo xiisada ka dhalatay Haweenaydaa.

 

Dhinaca kale, waxaa cad in Haweenayda (Pastor Joy Isa ) xubin sare ka tahay Kaniisadda Sare (TEC) ayaa Ilaah u dejiyey inay xubnaheeda u hormariso sidii markhaatiyada Masiixa iyaga oo awood u siinaya inay gaadhaan heerarka ugu sarreeya ee kala -soocidda nolosha, taas oo uu hoggaaminayo Wadaad Godman Akinlabi oo leh tibaaxyo badan Lagos iyo wixii ka dambeeya. Xarumaha cibaadada: Jasiiradda CenterVenue: Xarunta Shirarka Pistis, sida lagu sheegay qoraalo lagu faafiyay Mareeggaha TEC, kuwaas oo muujinaya shirarka ay ka qaybgashay iyo doorkeeda muhiimka ah ee ay u qaabilsantahay kaniisadda, iyadoo muuqaalda dooddaha la xidhiidha faafinta Kiristaanimada ka buuxaan internetka.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com