Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay mawqifkeeda Ergayga Xoghayaga Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaalida Ambassador Nicholas Hayson oo dawladda Federaalka ee Soomaaliya ka caydhisay dalkeeda.

Warsaxaafadeed kasoo baxay maanta Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland oo lagu socod siiyay Xoghayaha Qaramada Midoobay, waxay xukuumadda Somaliland kaga hadashay mawqifkeeda ku waajahan Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Nicholas Haysom.

Halkan Ka Akhriso: Awooddaha iyo Waajibaadka Xafiiska Qaramada Midoobay Iyo Ujeedada Loo Aasaasay.


Qoraal saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, ayaa u dhignaa sida :-