Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka jawaabtay mashruuc Midawga Yurub iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ay kala saxeexdeen todobaadkan oo sida ay dawladda Federaalka shaacisay lagu horumarinayo Magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera ee Somaliland iyo Soomaaliya.


Wasiirka Qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, iyo Agaasimaha guud ee midawga Yurub ee horumarinta caalamiga ah, Mr Stefano Manservisi ayaa si wadajir ah magaalada Muqdisho Aug 31st, 2019 u saxeexay 23 Milyan Yuuro oo Midawga Yurub ay ku maal gelinayaan mashruuca horumarineed oo ay sheegeen in loogu magacday Eng. Yariisow, kaas oo ka qayb qaadanaya horumarinta magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera.


Hase yeeshee Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta ka hadashay mashruucaa, waxaana ay sheegtay in mashruucaasi ahayn mid laga fulin karo Berbera iyo meel kale oo Somaliland ah, maadaama aanay dawladda xukumin oo aanay shaqo ku lahayn.

Akhri: Midawga Yurub Oo Dawladda Soomaaliya U Saxeexay 23 Milyan Oo Lagu Horrumarinayo Muqdisho Iyo Berbera


Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland oo lagaga hadlay mashruucaa iyo sida loo qaybsanayo mashaariicda Miadawga Yurub bixiyo, ayaa u qornaa sidan:-