Araweelo News Network

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Warshadddaha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin)

Hargeysa(ANN)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaacisay in shirkadda Red Sea ee ka ganacsata shidaalka ay ahayd shirkaddii dalka soo gelisay shidaalka xun ee sababay khasaaraha soo gaadhay gaadiid badan oo isticmaalay shidaalkaa wasakhaysan.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Warshadddaha iyo Dalxiiska Somaliland  Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo warbaahinta qaarkood maanta kula hadlay, ayaa sheegay in shirkadda Read Sea keentay shidaalkii khasaaraha dhaliyay ee wasakhaysnaa, isla markaana ganaax lacageed oo dhan $ 355,500 lagu riday shirkaddaa oo uu sheegay inay si badheedh ah dalka usoo geliyeen shidaalkaa, iyagoo og inuu xunyahay oo ay ku shubeen Haammaha shidaalka.

Wasiirka  Ganacsiga, ayaa sidoo kale sheegay in ganaax kaa la mid ah oo dhan $ 355,500 lagu riday Shirkadda Sheybaadhka Shidaalka oo iyaguna ogolaaday in shirkadda Red Sea  ku shubto Haammaha, wuxuuna wasaaradda Maaliyadda Somaliland ugu baaqay in lacagta ganaaxa ah ee lagu xukumay shirkadda Read Sea iyo qolada sheybaadhka laga qaado, isagoo xusay in dadka dalka soo geliya badeecaddo dhacay, ama waxyaabo aan wanaagsanayn dalka soo geliya ganaax kaas la mid ah lagu xukumayo.