Hargeysa(ANN)-Wasiirka Wasaaradda  Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed, ayaa ka hadlay qorsha Wasaaraddiisa ee sannadkan gudashada Waajibaadka Xajka iyo waxa ay xukuumad ahaan u qorsheeyeen qaabka ay Xujuujta Somaliland u gudanyaan cibaadada Xajka marka la gaadho.

Sheekh, Khaliil oo ka jawaabayay Su’aalo laga weydiiyay cabashooyinka Xujaajta ee sannad walba soo noq-noqda iyo lacagta qaaliga ah ee xujuujtu kaga cawdaan safarka Xajka, ayaa ka garaabay cabashooyinka noocaa ah, wuxuuna xusay inay xidhiidho baddan la sameeyeen Dawladda Boqortooyadda Sucuudiga, iyagoo doonaya in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland dadka Xajka ka gudnayaa helaan Aqbalaada, Baasaboorka Dalkeena, amma waraaqo u gaar ah, balse waxa uu xusay in aanay weli ku guulaysan in Sucuudigu aqbalo dalabkooda oo aanu weli suurta gelin, walaw uu xusay in ay weli ku hawlan yihiin oo aanay ka hadhin.

Wasiir Khaliil, wuxuu ka sheegay mar uu la kulamay Guddida joogtada ah ee golaha Guurtida Somaliland oo arrimahaa wax ka weydiiyay, wuxuuna isagoo ka hadlaya caqabadaaha iyo cabashooyinka, yidhi,  “Caqabadaha siyaasiga ah ee innaga haysta citiraaf raadinta iyo aqoonsiga dawladnimo iyo jiritaanka, sida aad ka war qabtaan weli Baasaboorkeena lama citiraafin,  inaynuse nahay gobol jira oo Islaam ah oo dawlad leh oo degaan ah waa la og yahay,  laakiin duruufahaas ayay salka ku haysaa, in baddan ayaanu  ku dadaalnay sidii Baasaboorkeena, amma waraaqo gaar ah ay inoo citiraafaan welina hawsha waanu ku dhex jirnaa, sannad aan laga hadalna way yar tahay,” ayuu yidhi wasiir Khaliil.

 Sidoo kale, wuxuu sheegay Afrta Bilood ee soo socda ay wasaarad ahaan sidii loo heli lahaa duruuf gaar ah oo xujaajta Somaliland si gaar ah ugu gudan lahaayeen waajibaadka Xajka, wuxuuna carabka ku dhuftay in arrintaa ay ka wada hadleen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi “Haddii qorshahaasi noo hirgalona wuu noo hirgalay, haddii uu hirgeli waayana, qorsheyaal kale oo aanu idiinla nimaadno oo aad nala qaadataan ayaanu keeni,” ayuu yidhi, Sheekh Khaliil.

 “Dawladaha Carbeed waa run wax way bixiyaan dhaqaalena way leeyihiin,  waana niman naxariis badan markaad dhinac ka eegto laakiin, siyaasadaha caalamiga ah ayaa hadheeyay. Waxaad moodda in baryahan dhammaan wixii la odhan jiray samafalka lasoo koobay oo cidhiidhi badan lagu hayo oo iyaga laftoodii isu adeegsadeen, hadda dagaalka siyaasiga ah ee dawladaha Carbeed ka dhexeeya ayay qolaba qolo ku eedaysaa inay argagixisada caawiso dabeedna iyagii baa isku buuqay,  markaa wax alla wixii, masaajido imika dalkeena ka socda iyo agoomo ay taageeri jireen dariiqii loo soo marin lahaa lacagta ayaaba adkaaday laakiin, waa niman jecel inay wax galiyaan walaalahooda muslimiinta ah ee dariiqii ay soo marin lahaayeen ayay iyagiina iska xannibeen,” ayuu yidhi wasiir Khaliil oo Guddida joogtada ah ee golaha Guurtida Somaliland weydiiyeen waxa Somaliland ka hortaagan caawimooyinka ay dalalka Carbeed bixiyaan, wuxuuna tusaale usoo qaatay dagaallada ka socda dalka Yemen oo uu sheegay inay yihiin kuwo u dhexeeya dalal Carbeed, islamarkaana ay dad Carbeed dhibaatooyin kasoo gaadheen, isla markaana dagaalladu qayb ka yihiin waxyaabaha adkeeyay samafalkii laga heli jiray dalalka Carabta.