“Col. Caarre Waa Farac Ka Baxay Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaana Waxaan Leeyahay…” Wasiirka Warfaafinta

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ku eedaysay Xisbiga mucaaradka ee WADDANI, in Jabhadda uu hoggaamiyo Col. Siciid Cawil Caarre ee ku jirta Buuralayda Woqooyiga Magaalada Ceergaabo ay yihiin farac ka baxay Xisbigaa.

Sidaana waxa sheegay Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye, isla markaana ah Af-hayeenka Xukuumadda Somaliland  oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, wuxuuna ugu baaqay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI,  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Ciro inuu qayb ka noqdo xalka iyo waan-waanta lagu doonayo in lagu soo xero-galiyo sarkaalkaa iyo jabhadda uu hoggaamiyo.

 “Guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro maalintii uu Finland ka soo ambabaxayey hadaladii uu yidhi runtii waan ku diirsadoo waxaan is lahaa Odaygii waakaa tuutaha soo xidhoo sidii uu Somaliland u difaaci lahaa heeganka usoo galay. Laakiin waxaad moodaa Cabdiraxmaan inaan wax badani u kordhayn, Golaha Wakiiladda iyo hawshii uu ka hayn jiray waynu ogayn, xeerarkii iyo wixii digada noqday ee la burburiyey ilaa maanta diifteedii ina hayso waynu ogayn, marka dibedda cidi ka hadasho ama laga weerarro, ama wax laga yidhaahdo kow buu ka yahay cida hadasha, waana ta looga baahan yahay mucaaridka xalaasha ah, waana ta looga baahan yahay muwaadinka wanaagsan, dalkaaga u damqo, oo dadkaaga u damqo, oo marka ay arrintu taagan tahay meel halis ah oo dibedda ah gondahaaga ha eegin, taasaan anigu kugu boorinayaa, waxa lagaaga baahan yahay raganimo, waxa lagaaga baahan yahay badheedhe,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

 “Waa meelaha la eeganayo Cabdiraxmaan sidaan u filayo ee la tirsanayo ayuu malaha ka mid yahay, Kuma lihi reer ahaan baad iskugu tihiin Caarre wax, laakiin waxaan aqoonsanahay inuu farac isaga ka baxay uu yahay siduu ugu damqanayo oo uu ugu hadlayo, waxaan leeyahay hawl wayn baa kaa saaran, Odayaashii oo dhan halkaasay joogaan, salaadiintii halkaasay joogaan, haldoorkii halkaasay joogaan u tag, arrintaa iyada ah dawladda sidaad wax ugala qaban lahayd taladeeda keen,  taasaa lagaaga baahan yahay, annigu faysal Cali Waraabe mar walba waan hambalyeeyaa marka uu hadalayo, ha dhaliilo hadduu doonayo dawladda, laakiin waxaan ku hambalyeeyaa qaranka ayuu goorwalba garab taagan yahay.” Ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye.

Wuxuu sheegay in maanta aan laga filayay Guddoomiyaha WADDANI, Cabdiraxmaan inuu duulimaad qaado oo ka hadlo waxa taagan oo ka jawaabo wixii Somaliland lagu lahaa, balse aan laga filayn habbeenkii dhowayd ereyadii kasoo baxay iyo siduu u soo lebistay xukuumadda, wuxuuna arrintaa ku tilmaamay Wasiirka warfaafinta Somaliland  Maxamed Muuse mid aad looga xumaado.

Wasiirka oo Warbaahintu doonaysay inay wax ka weydiiso eedaha culus ee uu u jeediyay Xisbiga Mucaardka ee WADDANI, iyo Guddoomiyihiisa, ayaa diiday in wax su’aalo ah la weydiiyo, wuuxuna hadalka Wasiirku daba socday, kadib markii Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, maalintii doraad xukuumadda ku eedeeyay inay waxba ka qaybanweyday arrinta Col. Caarre iyo dagaalada soo noq-noqday ee deegaanka Ceel-Afweyn iyo dhaliilo kale oo uu sheegay inay Somaliland galaafan-karaan.