araweelonews-300x168Hargeysa(ANN)Shirweynihii 7aad Dallada Dhalinyaradda Somaliland ee SONYO, oo maalmahan khilaaf iyo buuq hadheeyay, ayaa ku guuldaraystay inay qabtaan shirweynihii Todobaad ee Dallada SONYO, kaas oo la filayay laba maalmood ka hor 28 Dec 2014 in lagu qabto Huteelka Ambassador, balse lagu kala dareeray markii khilaaf iyo buuq hadheeyay.

Khilaafka Dallada SONYO, ayaa salka ku hayay kala qaybsanaan la xidhidha cidda noqonay hoggaanka Ururka, iyadoo lagu kala qaybsamay laba guddoomiye oo u tartamayay hoggaaminta Ururka, waxayna natiijada khilaafka Dallada SONYO oo lala xidhiidhiyay caadifad iyo saar qabiil sababtay in labada garab mid walba maanta dhinaciisa u qabsado shirweyne ay ku sheegeen inay hoggaan ku doorteen, iyadoo labada dhinac mid walba iclaamiyay hoggaan cusub.

Kala qaybsanaanta iyo khilaafka labada garab ee SONYO u kala jabtay, waxay meesha ka saartay mustaqbalka iyo rajadii laga qabay inay xaliyaan khilaafkooda oo ay dhinac u wada jeestaan, balse waxay mareen wadadii bur-burka.
Dallada SONYO oo ka mid ah Ururadda Bulshada Somaliland kuwa ugu magaca weyn, isla markaana muddo ku dhowaad tobaneeyo sannadood soo jirtay, waxaana xubno ka ah Ururo gobolada dalka oo dhan oo ah kuwa dhalinyarada, SONYO, waxay muddooyinkan danbe ee Xukuumadda Madaxweyne ku dartay Miisaaniyadda oo loo raaciyay Bajat kab ah, waxaana loo dhisay Dhisme weyn oo dhowaan magaaalada hargeysa xadhiga lagaga jaray.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com