Araweelo News Network

Boosaaso (ANN)- Ugu yaraan shan qof, ayaa ku dhintay, tiro kale oo intaas ka badanna way ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay badhtamaha magaalo-xeebeedda Boosaaso ee maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland fiidnimadii.
Qaraxa oo uu fuliyey qof isa soo miineeyey, ayaa lala beegsaday goob dadku ku badan yihiin oo ku yaal suuqa ugu weyn magaalada Boosaaso oo sida la sheegay ay xilligaas ku sugnaayeen askar ka tirsan ciidammada ammaanka maamulka Puntland.
Saraakiisha caafimaadka ayaa warbaahinta u sheegay in dadka ku dhintay weerarkaasi oo aan ilaa hadda tiradooda si rasmi ah loo ogeyn isugu jiraan askar iyo shacab.
Goobta qaraxu ka dhacay oo dhexaysa xarumaha shirkadaha Towfiiq iyo Al-Hudda Phone oo ku yaal jidka ugu mashquulka badan Boosaaso, ayaa wararku tibaaxeen inay ciidammada ammaanku baadhitaanno ku wadeen gaadiid iyo tiro badan oo watigaas meesha marayey.
Goob-joogayaal ayaa sheegay in ay arkeen meydadka dhowr qof oo daadsan goobta qaraxa ismiidaaminta ah.
Dhinaca kale, masuuliyiinta maamul-goboleedka Puntland ayaa gebi ahaanba afka ka xidhay inay wax tafaasiil ah ka bixiyaan weerarkaas oo la rumaysan yahay inuu fuliyey naftii-hure ka tirsanaa dagaalyahannada kooxda Al-shabaab.
Qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan oo aan weli si buuxda loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay, waxa uu saamayn weyn ku yeeshay guud guud ahaan dhaqdhaqaaqyadii kala duwanaa ee Boosaaso, waxana la xidhay dhammaan meheradihii ganacsiga ee magaalada oo dhan.