Muqdisho(ANN)-Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamad Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si kulul ugu canbaareeyay Dawladda Kenya, wuxuu ugu yeedhay fara-gelin ay ku hayso maamulka guddaha Soomaliya.


Madaxweyne, Farmaajo oo ka hadlayay Magaalada Muqdisho, wuxuu sheegay in Xukuumaddiisu aannay marnaba aqoonsanayn doorashadii uu kusoo baxay Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe, taas oo ay Xukuumadda Nairobi ee Kenya si weyn ugu lug lahayd.


wuxuuna xilligan ku eeddeeyay inay Kenya Nairobi kasoo hubaynay, Wasiirka Amniga ee Maamulka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan), oo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya shaacisay inay xabsiga dhigtay bishii Augst ee 2019-kii, balse xabsiga ka baxsaday dhowaan, kaas oo qorshaynaya in ciidamadiisu saamayn ku yeeshaan degmooyinka Gedo oo ay horre u joogeen ciiddamo Kenyaan ah oo taageersan maamulka Kismaayo.

‘’Kenya maxaa ka galay Jubbaland, waxba kama galin fara-galinna kuma samayn karto guddahayaga, arrin ayaa naga dhaxaysa oo Badda ah, waadna ogtihiin arrintaa meel walba ayay u maraysaa siddii ay saamayn ugu yeelan lahayd gaar ahaan Jubbaland oo ay doonayso in ay gaashaan ka dhiggato’’ ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo.