Araweelo News Network 

#Soomaaliya Oo Ka Hadashay Go’aan Kasoo Baxay Makamadda Caalamiga Ah Oo La Xidhiidha Muranka ka Dhexeeya Kenya Ee Badda

Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilligeedu dhammaaday, ayaa ka hadashay dacwadda Maxkamadda Caalamiga ah ee ka dhaxaysa Soomaaliya Iyo Keneya , iyadoo shaacisay go’aan ay Maxkamaddu Ku laashay dalabka ugu yimi dawladda Kenya.

 

Sidaana waxa lagu sheegay Qoraal saxaafadeed kooban oo kasoo Villa Somalia, qoraalka oo kasoo baxay Xafiiska ra’iisal wasaare Ku xigeenka dawladda Federaalka ee Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Garyaqaan Khadar)’, oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa u dhignaa sidan:-

 

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay soo dhaweynasyo go’aan kama dambeysta ah ee shalay galab Maxkamadda Adduunku ay ku laashay codsigii Kenya ay ku dooneysay in mar kale la dib dhigo dhageysiga dacwadda baddeena ee ay ina ku haystaan hoggaanka dalkaas.

ku xigeenka ra’iisal Wasaaraha dalka ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay si mug leh ugu diyaar garoobeen in ay difaacdaan xaqooda soo jireenka ah ee xuduud biyoodka ay la wadaagaan dalka Kenya, iyadoo lagu ballansan yahay in dhageysiga dacwadda ay qabato Maxkamadda Aduunku 15-19 Bisha March 2021 ee sanadkan.

“Waxaan shacbi weynaha Soomaaliyeed u sheegayaa innagoo ku kalsoon Ilaahey, ku kalsoon taageerada iyo garab istaagga mar walba aad dowladda Soomaaliya la barbar taagan tihiin in aynu ku matalno danta ummadda Soomaaliyeed, xaq iyo caddaaladna ku helno doodeenna iyo dacwaddeenna.”

Garyaqaan  Mahdi , ayaa  uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu garab taagan yihiin Madaxdooda iyo dowladdooda dacwadda hortaalla Maxkamadda Adduunka ayaa ugu baaqay dhammaan muwaadin kasta, gaar ahaan hormuudka bulshada in ay si dhow u gutaan doorka qaran ee kaga aaddan difaaca baddeena, midnimo iyo wadajirna aynu ku wajahno damaca qaawan ee Kenya.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo habeen iyo dharaarba heegan u ahaa miro dhalka dacwaddan, si dhowna ula shaqeynayey khubarada sharciga iyo mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee dacwaddan gacanta ku haya.

 

Dhammaad