Wasiirka Caafimaadka oo sheegtay baadhitaanka la sameeyay, tiradii ugu badnayd ee laga helay caabuqa iyo inta u dhimatay

Muqdisho(ANN) Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abikar Nuur, ayaa ka hadashay xaaladdii ugu danbaysay ee caabuqa Coronavirus iyo natiijada baadhitaan lagu sameeyay tiradii ugu badnayd ee ay sameeyaan tan iyo markii ay heleen shaybaadhka qaranka 7 April 2020.

Marwo, Fowsiya, waxay sheegtay in Wasaarad ahaan ay sameeyeen wacyigelin joogta ah iyo xarun lagu daweeyo dadka laga helo bukaanka caabuqa COVID-19, sidoo kale ay sameeyeen xarun lagu karantiimeeyo dadka looga shakiyo caabuqa Coronavirus, taas oo ay hirgeliyeen 10 March, 2020, waxayna sheegtay inay xaruntaasi qaado ilaa 100 qof.

“Dadka lagu karantiimeeyay xarunta waxay ahaayeen kuwo dalka soo galay oo kusoo safray diyaaraddo, 166 qof, ayaa lagu karanmiimay xaruntaa, wayna dhamaysteen xilligii loogu talagalay, waxa laga helay hal qof oo qaba caabuqa Coronavirus, dadkii kalena waa la fasaxay markii ay dhammaysteen muddadii la socoshada xaaladdooda.”ayay tidhi, Marwo Fowsiya oo caawa ka hadashay xaaladda caabuqa ee gudaha Soomaaliya oo tiradu kor u kacday.

“ilaa intii la hawlgeliyay shaybaadhka qaranka 7 April, 2020, waxa la baadhay 186 qof, oo looga shakiyay inay qabaan caabuqa, waxaana laga helay 80 ka mid ah tiradaa la baadhay, kuwaas oo 70 ka mid ah ay yihiin rag, halka 10 ay yihiin dumar, tirada ugu baddan ee laga helay caabuqa xannuunka waxay da’adoodu u dhaxaysaa 20 ilaa 40 jir, kuwaas oo noqonaya 60%, bukaanada la xaqiijiyay inay qabaan xannuunka Coronavirus, 90%, waxay joogaan magaalada Muqdisho. Marla laga soo bilaabo 16 April 2020, dadka baadhitaanka lagu sameeyay 193, waxaana laga helay 80 ka mid ah tiradaa.” Sida ay sheegtay Wasiirka Caafimaadka dawladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, waxay sheegtay in dhawr iyo Afartan qof oo looga shakiyay caabuqa baadhitaan lagu sameeyay maanta, kuwaas oo ay sheegtay in la sugayo natiijada baadhista kasoo baxda, iyadoo xustay in shan qof ay u dhinteen cuddurkaa, isla markaana waxay xustay in la kordhiyay qaybta daryeelka ee ICU, sidoo kale la kordhiyay sariiraha ay ku rakiban yihiin Ogsajiin, si dadka u baahan ay u helaan daryeel.

Fowsiya Abikar Nuur, waxa kale oo ay xustay in ay ka heleen dalka Imaaraadka , Jack Ma Foundation iyo Hay’addo kale oo ay ka mid yihiinWHO,  IOM, SCF, waxayna sheegtay in ay u mahad celinayaan cid walba oo gar-gaar caafimaad soo gaadhsiisay., iyadoo dhinaca kale dadka usoo jeedisay inay raacaan fariimaha cuddurka lagaga hot-teggayo, maadaama aannu lahayn daawayn.