Hassan RohaniTahran (ANN) Xiisada u dhaxaysa Labada Dal ee Iran iyo Sucuudiga, ayaa sii kacday. Kadib markii ay ku dhowaaad Xujaaj gaadhay 900, ku dhinteen gudashada waajibaadka Xajka ee sanadan, kuwaas oo oo kala badh ahaayeen Xujaaj u dhalatay dalka Iran.
Dawlada Iran, ayaa ku dooday in muwaadiniinteeda ku geeriyooday shilkaa ay dawlada Boqortooyadda Sucuudigu qarisay, waxayna ka dalbadeen inay usoo gudbiyaan Maydadka Xujaajta oo aan lagu aasin dalka Sucuudiga.
Xukuumadda Sucuudiga, ayaa hore u sheegtay in masiibada dhacday ay ahayd mid aan cidna joojin karayn, isla markaana Amiirka Dalka Sucuudiga Salmaan Bin Cabdulcasiis Al-sacuud, ayaa amar ku bixiyay in baadhis lagu sameeyo dhacdadaa oo ahayd mid si weyn dunida Islaamka looga dareemay.
Xujaajta ku dhimatay shilkaa, ayaa ka badatay tiradii hore loo hayay, waxayna Iran ka mid ahayd dalalka Xujaajta ugu baddan ee dhimatay u dhalatay, waxaana la hayay inay 134 Xujaaj ah oo u dhashay Iran ku nafwaayeen masiibadaa, balse warbixinihii u danbeeyay ayaa lagu oggaaday in kala badh Xujaajta dhimatay ahaayeen muwaadiniin u dhashay dalka Iran, waxayna arrintaasi sii xoojisay xiisadii u dhaxaysay labada dalka.
Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani oo qudbad uu ka jeediyay shirka Golaha Qaramada Midoobay oo todobaadkan ka dhacay New York, ayaa si kulul u dhaleeceeyay Xukuumadda Sucuudiga, wuxuuna hoggaamiyaayasha dunida ee ka qaybgalay shirkaa soo hordhigay in guddi baadhis madax-banaan lagu sameeyo dhimashadii Xujaajta, iyadoo Iran noqotay dalalka safka hore kaga jira tirada Xujaajta ku dhimatay shilkaa, isla markaana ugu yaraan 134 Xujaaj ah oo u dhashay Iran ku nafwaayeen, balse tirada Xujaajta u dhashay Dalka Iran ee ku dhintay gaadhayaan 400, iyadoo Iran dalbatay in Maydadka Xujaajta dalkooda loo soo duuliyo.
Sidoo kale Xeer Ilaaliyaha Guud ee Iran, General Sayed Ibrahim Raisi ayaa hore u sheegay inay dacwad ka dhan Masuuliyiinta Sucuudiga u gudbinayaan Maxkamadda Caalamiga ah. Sida lagu shaaciyay Wakaalada wararka Isna news agency.

Laakiin Xukuumadda Sucuudiga, ayaa dhawaaqa iyo canbaaraynta Iran ku tilmaantay mid aan loo baahnayn, iyadoo Mufdiga ugu weyn Sucuudiga Sheikh Abdul Aziz bin-Abdullah al-Sheikh oo ay weheliyaan Masuuliyiin kale ka jawaabeen dhaleecaynta Iran, wuxuuna Sheekh Abdul Aziz xusay in aanay ahayn arrin ay wax ka qaban karaan, balse amar Alleh iyo maqaadiir ku timi oo aanay baajin Karin. Sidaana waxa lagu shaaciyay wakaaladda Sucuudiga ee Press Agency (SPA)

Iran iyo Sucuudiga, ayaa khilaaf weyn oo la xidhiidha arrimaha dagaalka Yemen iyo kuwa mandaqada u dhexeeyaa, waxayna masaabida Xajka ka dhacday kusoo beegantay, iyadoo muran khilaaf weyn hore u dhex sabaynayay, taas oo sii xoojisay loolankii dhinaca siyaasada ee u dhexeeyay labada dal.

Tirada dhimashada Xujaajta masiibada dhacay Khamiistii lasoo dhaafay, ayaa noqonay tii ugu balaadhnayd ee ka dhacda Xajka 25-kii sanadood ee u danbeeyay, waxaana baadhitaano hordhac ahaa lagu sheegay in mushkiladu ka dhalatay iska hor imaad xujaaj laba dariiq markii qayb ka mid ah kasoo leexatay dariiqii kale, taas oo sababtay khasaaraha oo noqday kii ugu badnaa ee ka dhacay 25 sanadood ee u danbeeyay. Sidoo kale waxa masiibadan lala xidhiidhiyay inay qayb ka ahayd Cimilada oo kulaylku meel sare gaadhay, iyadoo lagu qiyaasay 46C.
Khasaaraha u danbeeyay ayaa ah kii ugu xumaa ee ka dhaca 25-kii sanadood ee u danbeeyay, iyadoo 1990, shil dhacay ay ku dhinteen 1,426, halka sanadkii 1994, waxa ku dhintay 270, sidoo kale 1987, waxa ku dhintay 402, halka sanadkii 2006, ay ku dhinteen Xujaaj gaadhaysa 364, halka sanadkan 2015, tirada dhimashada Xujaajtu gaadhay 796 iyo 934 dhaawac ah.

1921-kii tirada xujaajta ayaa ahayd 57, 000. sida ay sheegtay xarunta macluumaadka Sucuudigu (Saudi Central Department of Statistics and Information) isla markaana si weyn loo dareemay muslimiinta sanad walba soo kordhaya, iyadoo saddex sannadood ka hor gaadhay 3.2 milyan, taas oo muujinay korodh xad dhaaf ah, marka loo eego tirada xujaajta sanadkii 1921.

Korodhka Xujaajta ee sannadii u danbeeyay, ayaa khasab ka dhigtay in balaadhin lagu sameeyo Masjidka Maca Almukarama, waxaana Sanadkii u danbeeyay dawlada Sucuudigu qorshaysay in lasii balaadhiyo Masjidka oo lagu daray 400,000 square metres, taas oo u dhiganta (4.3 million square feet), iyadoo qorshuhu yahay inay hal mar waajibaadka Xajka ku gudan karaan muslimiin lagu qiyaasay dhawr million oo ka kala imanaya daafaha dunida. sidoo kale waxa la kordhiyay sannadkan 2015, dhinaca amaanka 100,000, kuwaas oo sugaya maanka, 25,000 hawlwadeenada Caafimaadka lagu kordhiyay iyo 100,000 air-condition si xararada kulaylka ee Cimilada aanay wax u yeelin xujaajta.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380