Emergency medical aid from the International Committee of the Red Cross is unloaded from a plane at the international airport in Sanaa on April 11, 2015.  AFP PHOTO / MOHAMMED HUWAIS        (Photo credit should read MOHAMMED HUWAIS/AFP/Getty Images)

Emergency medical aid from the International Committee of the Red Cross is unloaded from a plane at the international airport in Sanaa on April 11, 2015. AFP PHOTO / MOHAMMED HUWAIS (Photo credit should read MOHAMMED HUWAIS/AFP/Getty Images)

Warbixin: Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Sanaa(ANN)Diyaaradaha Xulufada Sucuudiga, ayaa duqayn ku bilaabay dhabaha Caalamiga ah ee Madaarka Magaalada Caasimada Sanca ee Yemen. Kaddib markii maanta Diyaarad laga leeyahay Dalka Iran fadhiisatay.
Brigadier General Ahmed Asseri oo u hadlay xulufada Sucuudiga, ayaa u sheegay wakaalada wararaka ee Reuters inay diyaaradahoodu garaaceen Madaarka Sanca, kaddib markii sida uu sheegay Diyaarad ay leeddahay Iran oo aan wax xidhiidh ah lasoo samayn xulufada fadhiisatay halkaa, iyadoo sida uu sheegay Duuliyaha Diyaaradu dhegaha ka furaystay digniino loogu digay inuu ka baxo hawada oo aanu fadhiisan.

Waxa uu sheegay in Runwayga aan loogu talogelin inay fadhiistaan diyaaradaha gargaarka sida ee aanay xulufadu ogolaan, kuwaas oo marka hore magaalada Biish ee dhanka Koonfurta Sucuudiga lagu soo baadhayo. kadibna marka la hubiyo loo ogolaanayo inay u gudbaan Sanca, taas oo uu sabab uga dhigay inay duqeeyaan dhabaha diyaaradaha. kadib markii Diyaarada Iran diiday digniinaha iyo nidaamka xulufadu u samaysay hawada dalka Yemen.

Wakaalada Wararka ee IRNA, ayaa xaqiijisay in duqaynta diyaaradaha Sucuudigu sameeyeen xili ay diyaaradoodu fadhido madaarka Sanca, waxayna sheegeen in Duuliyaha Iran diiday digniinta sharci-darada ah ee kaga imanaysay Diyaaradaha Jets-ka ee Sucuudiga oo ku amrayay inuu ka laabto Madaarka ka hor intii aanay duqayn Runwayga madaarka.
Wakaalada Wararka Iran ee IRNA, waxay intaa ku dartay in diyaaradoodu ahayd mid sahay aadaminimo iyo gargaar caawimo siday.

 

Iran ayaa si weyn uga cadhootay tallaabada Xulufada Sucuudigu ku gubeen  magadaarrka Sanca, waxaana laga cabsi qabaa in ay jawaab ka bixiso arrintaa.

Gaadiidka Dab-damiska, ayaa awoodi waayay inay baqtiiyaan Runwayga diyaaraduhu ka hadaa iyo xarunta laga haggo oo duqayntaa lagu burburiyay, iyadoo dab weyn ka kacay halkaa, isla markaana la arkayay diyaarado ku holcay Madaarka Sanca.
Sarkaal ka tirsan Waaxda duulimaadka Hawada ee Yemen, ayaa sheegay in dhaawac weyn la gaadhsiiyay Runwayga Madaarka Sanca oo ay burburiyeen diyaaradaha Sucuudigu, iyadoo sida uu sheegay ilaa 20 weerar lala beegsaday.

Sidoo kale sarkaalka waaxda Duulista, ayaa sheegay in Madaarka Magaalada Hodeidah oo ku taal Badda Cas ee u dhow dhanka xadka Sucuudiga sidan oo kale loo burburiyay, balse waxa uu sheegay inta la samaynayo Madaarka Sanca in sahayda gargaarka loo duwo dhinaca Hodeidah, kaas oo hadda la isticmaali karo si ku meel gaadh ah.
Dhinaca kale Duqaynta, ayaa maalintii Axadii Todobaadkan lala beegsaday gawaadhi ay saarnaayeen Soomaali Qoxooti ah oo doonaysay inay ka qaxaan dagaalka Yemen, kuwaas oo tiradadooda lagu sheegay 30 qof oo haween iyo Caruur ah.

Darweel ka mid ahaa dadkii gawaadhida waday oo ka badbaaday keligii, ayaa sheegay in dadkaa Diyaaradaha Xulufada Sucuudigu la beegsadeen gantaal, iyagoo maraya meel qiyaatsii 120km dhinaca Woqooyi ka xigta Magaalada Cadan oo dagaal gudaha iyo duqayntu ay hadheeyeen.

Dagaal xooggan ayaa laga sheegayaa deegaanka magaalada Taiz, iyadoo Ceelka Saliida ee Marib iyo deegamada u dhow Taiz uu ka socdo dagaal qadhaadh oo u dhexeeya Xuutiyiinta oo ay is xulufaysanayaan Ciidamada Madaxweynihii hore ee Cali Cabdalla Saalax iyo Taageerayasha Madaxweynaha masaafuriska ku maqan iyo dadka deegaanka, waxayna wararku sheegayaan in ugu yaraan 15 qof oo shacab ah ku dhinteen dagaalka Mari boo dhinaca bari ka xigta Sanca.

Xulufada, ayaa sii wada garaacista dhinaca Cirka ee Magaalooyinka Cadan iyo Taiz, balse waxa maanta duqayn dhinaca Cirka ah lala beegsaday guriga uu deganyahay Abdullah Yahya Hakim, kaas oo ah sarkaal ka tirsan Xuutiyiinta, isla markaana ka mid ahaa xubnaha golaha amaanku ku daray November liiska madaw.

Shidaalka, Cuntada, Dawooyinka iyo Biyaha ayaa gabaabsi ah dalka Yemen oo xaaladiisu kasii daray, waxaana hadda laga cabsi qabaa in dagaalku isu beddelo mid ay toos isu fara saaraan Sucuudiga Iran oo isugu awood sheeganaya gobolka, iyadoo Maraakiibta Iran tuban yihiin dhinaca Oman ee deriska la ah Yemen oo u janjeedha Iran iyo biyaha Yemen, isla marakaana maraakiibta isaga gooshayay dunida ee marayay marinka Istiraatiijiga ah ee Baabal-mandab ay soo waajahday cabsi, taas oo saamayn ku yeelatay suuqyada shidaalka aduunka iyo baddeecadaha kale.
Warbixin: Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.