diyaaradaha sucuudiga duqayntayemenDahran(ANN)Xukuumadda Sucuudiga ee hoggaaminaysay weerarada dhinaca cirka iyo duulaanka duqaynta dalka Yemen, ayaa shaaciyay inay soo af-jareen duqayntii muddada Afarta todobaad socotay.

Sida lagu baahiyay Telefishanka dalka Sucuuiga, waxa lasoo afjaray duqaynta dhawrka todobaad socotay Talaadadii maanta 21 April, taas oo bilaabantay 26 March 2015, waxaana hawlgalkaa oo la sheegay in lagu guulaystay ujeedadii laga lahaa wixii hadda ka danbeeya loo beddelayaa dib u dhiska dalka Yemen iyo sidii dhinacyada heshiis looga dhex dhalin lahaa.
Birg. Gen. Axmed Al-asiri, ayaa yidhi, “Hawlgalkii wuxuu soo dhamaaday caawa, waxaana rajaynayaa in aanay hadda jirin cabsi ay dadka shacabka ah ku hayaan fallaagadu, waxaan gaadhnay guusha qorshahayagii duqaynta, waxan u mahad celinayaa duuliyayaashayada iyo ciidamadayada.” Ayuu yidhi

Birg. Gen. Al –asiri, waxa uu sheegay in wixii hadda ka danbeeya laga shaqaynayo sidii dib u dhis loogu samayn lahaa dalka, taas oo uu sheegay in lagu beddelay mashruucii ay hormoodka u ahayd Sucuudigu ee duulaanka duufaanka Cirka ee ku waajahnaa Xuutiyiinta Yemen iyo xulufada Ciidankii Madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalax.

Gen. Al-Asiri, wuxuu xusay in duqaynta ay dib u bilaabayaan marka ay ka dalbato xukuumadda Yemen ee Abdirabbo Mansour Hadi.

Madaxweynaha xukunka laga tuuray ee Hadi oo ku sugan dalka Sucuudiga, ayaa u mahad celiyay xulufada dalkiisa bur-burisay.

Sidoo wasiirka Difaaca Sucuudiga, ayaa sheegay in waaxda Difaaca Cirka ee Sucuudigu wixii hadda ka danbeeya ay ka shaqaynayaan ilaalinta iyo difaaca dalkooda, isagoo xusay inay Malayshiyada Xuutiga ee shiicada oo haystay gantaalaha Balasitikada ah iyo hub khatar ah ay hadidaad ku hayaan dalalka gobolka, gaar ahaa Sucuudiga oo uu sheegay inay xad dheer ka wadaagaan dhinaca beriga iyo Badda.

Duqaymihii u danbeeyay, ayaa sababay dhimashada dad shacab ah, iyadoo ugu yaraan 20 qof ku dhimatay mid ka mid ah duqamaha maanta dhacay. Sidoo kale magaalada dhinaca Koonfurta ee Ibb, waxa duqayn dhinaca Cirka ku dhintay ugu yaraan 20 qof, iyadoo tiro kalena ku dhaawacantay. Kaddib markii Biriish ku yaal halkaa ay diyaaradaha Sucuuidugu duqeeyen maanta ka hor intii aanay hawlgalka soo geba-gebayn.
Dhinaca Woqooyiga Magaalada Xarad ee kulaalay Xadka dhinaca Woqooyi ee Yemen iyo Sucuudiga, ayaa sidoo kale ugu yaraan 10 qof ku dhinteen duqayn maanta ka dhacday.

Magaalada Sanca ee Caasimada dhinaca Koonfur galbeed waxa shalay diyaaradaha Sucuudigu ka geysteen duqayn ay sheegeen inay ku waajahnayd xarun ay Hubka gantaalaha Balastika ah ku haysteen Xuutiyiintu, waxaana qaraxa ka dhacay halkaa sababay inay safaaradaha Iran iyo Indonesia soo gaadhaan burbur, iyadoo Indonesia iyo Iran arrintaa si kulul u canbaareeyeen. Sidoo kale duqaynta oo la rumaysanyahay inay ahayd tii ugu cuslayd ayaa si weyn u ruxday magaalada Caasimada ee Sanca, iyadoo dad rayid ah ay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah kasoo gaadheen, isla markaana ay soo baxayeen warar sheegaya in shaqaale ka shaqaynayay safaaraddaha iyo dad Dublamaasiyiin ah oo ka dhowaa goobta duqaynta lala eegtay dhaawacyo kasoo gaadheen.

In kasta oo Sucuudiga iyo xulufadiisu ku dhawaaqeen inay joojiyeen duqayntii dhinaca cirka ee duulaanka Yemen, taas oo ay ku sheegeen in ay ku dhamaatay guul, balse ma jiraan waxyaabo muujinaya ku dhowaad Bil duqaynta ay ka wadeen dalka Yemen ee ku waajahnayd malayshiyada Xuutiyiinta in wax guul ah laga gaadhay, kuwaas weli gacanta ku haya meelihii ay qabsadeen sida magaalooyinka waaweyn ee Sanca, Caddan, Ticis iyo magaalooyin kale, isla markaana duqayntu sababtay oo keliya in xaalada dalku faraha ka baxdo, iyadoo dhibaatada ugu weyn ay soo gaadhay shacabka.

Si kastaba ha ahaatee waxay u muuqataa in culayska dalka Iran saaray Sucuudiga iyo xulufadiisa iyo cabsida laga qabo isku dhac quwadaha waaweyn kaddib markii Iran Kolanyo Maraakiibteeda dagaalka ah usoo dirtay biyaha Yemen ay soo dedejiyeen go’aanka Sucuudiga iyo Xulufadiisa oo ku guuldaraystay inay taageero siyaasadeed uga helaan dalal baddan oo ka mid ah kuwa Islaamka duqaynta, iyagoo taa beddelkeedana canbaarayn kala kulmayay duqayntaa oo xaalada mandaqada halis iyo dagaalo qarka u saartay.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.