750 dhintay 850 dhaawacmay 25 sanadood ee U danbeeyay Khasaarihii Ugu Xumaa 100 Xujujaaj u dhashay Iran Iyo Xukuumadda Tehran Oo Sucuudiga Dhaleecaysay

xujaajta shuhuudayMecca(ANN)Amiirka Dalka Sucuudiga King Salman, ayaa sheegay inay Dawladiisu ka murugoonay dhibaatada ka dhacday Xajka ee sababtay dhimashada 750 xujaaj ah iyo 850 dhaawac ah. Kadib markii uu shil ka dhacay halkaa maanta sababay masiibadaa.
King Salman, wuxuu amar ku bixiyay in baadhitaan lagu sameeyo sababta shilka keentay, wuxuuna natiijo rasmi ah laga soo saaro, isla markaana waxa kor loo qaaday gurmadka iyo amaanka, iyadoo maydadka Xujaajta iyo dhaawaca laga daad gurayay goobta shilku ka dhacay oo u dhexeysa Buurta Carafa iyo Masjidka Xaramka.
Wasiirka caafimaadka Saudi, Khalid al-Falih, ayaa farta ku fiiqay eeda dadka dhintay naftooda, kuwaas oo uu sheegay in aanay asluub ​​socdaal lahayn.

 

xujaajta

“Shilkan ayaa, sida lagu garan lahaa, isriixidda ay keentay buux-dhaaf iyo sidoo kale ay keento qaar ka mid ah dadka Xujuujta ah oo aan raacayn tilmaamaha dhaqdhaqaaqa ee wasaarada amniga iyo Xajka ah,” ayuu u sheegay TV channel maxali ah.

xujaajta2

Heerkulka ugu sareeya iyo daal ka mid ah, ayaa laga yaabaa in qeyb ka yihiin masiibada, sidaana waxa yidhi, Afhayeenka ciidamada Maj Gen Mansour al-Turki, laakiin waxa uu intaa ku daray in aanay jirin maamulka ay calaamad u yihiin kuwa eeda lahaa. Sidaa darteed Nasiib darro shilalku dhacaan daqiiqad gudeheed,” ayuu Maj Gen Mansour u sheegay Associated Press.

Prince Khaled al-Faisal, oo madax ka ah guddiga Xajka dhexe ee Saudi Arabia ayaa, dhaleeceeyay warbaahinta bulshada ka dib markii la sheegay in qaar ka mid ah xujaajtii ka socotay qaar ka mid ah dalal Afrika ay sababeen shilkaa.
Dhinaca kale Dawlada Iran, ayaa Sucuudiga ku eedaysay qaabka loo maamulay dadka Xujaajta ah inay sabab u tahay shilkaa, iyadoo ilaa 100 qof oo u dhashay Iran ku jireen Xujaajta shilkaa ku dhintay, balse weli si rasmi ah looma shaacin 1,600 xujaaj ah oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira, kuwaas oo masiibadaa ka dhacday maanta jidka u dhexeeya Buurta Carafa iyo Masjidka Xaramka, wuxuuna shilkan yimi iyadoo 2,000, 000 xujaaj muslimiinta dacalada dunida ka yimi maanta salaadii kadib u dhaqaaqeen shaydaan Tuurka.
11 Sep, 2015, mudadii lagu guda jiray gudashada Xajka ee sanadkan, waxa ka dhacay Masjidka Xaramka shil sababay dhimashada 109, Xujaaj ah, iyadoo 400 ku dhaawacmeen. Kadib markii Wiish dhisme ka waday kusoo dhacay.

Balse khasaaraha u danbeeyay ayaa ah kii ugu xumaa ee ka dhaca 25-kii sanadood ee u danbeeyay, iyadoo 1990, shil dhacay ay ku dhinteen 1,426, halka sanadkii 1994, waxa ku dhintay 270, sidoo kale 1987, waxa ku dhintay 402, halka sanadkii 2006, ay ku dhinteen Xujaaj gaadhaysa 364.

1921-kii tirada xujaajta ayaa ahayd 57, 000. sida ay sheegtay xarunta macluumaadka Sucuudigu (Saudi Central Department of Statistics and Information) isla markaana si weyn loo dareemay muslimiinta sanad walba soo kordhaya, iyadoo saddex sannadood ka hor gaadhay 3.2 milyan, taas oo muujinay korodh xad dhaaf ah, marka loo eego tirada xujaajta sanadkii 1921.

Korodhka Xujaajta ee sannadii u danbeeyay, ayaa khasab ka dhigtay in balaadhin lagu sameeyo Masjidka Maca Almukarama, waxaana Sanadkii u danbeeyay dawlada Sucuudigu qorshaysay in lasii balaadhiyo Masjidka oo lagu daray 400,000 square metres, taas oo u dhiganta (4.3 million square feet), iyadoo qorshuhu yahay inay hal mar waajibaadka Xajka ku gudan karaan muslimiin lagu qiyaasay dhawr million oo ka kala imanaya daafaha dunida. sidoo kale waxa la kordhiyay sannadkan 2015, dhinaca amaanka 100,000, kuwaas oo sugaya maanka, 25,000 hawlwadeenada Caafimaadka lagu kordhiyay iyo 100,000 air-condition si xararada kulaylka ee Cimilada aanay wax u yeelin xujaajta.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 2 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 2 442 5380