Araweelo News Network

Amiir SalmanRiyadh(ANN) Dawladda Sucuudiga, ayaa ugu hanjabtay Maraykanka inay iibinayso hanti dhan $750 bilyan dollar oo ku jira gacanta boqortooyada haddii Aqalka Sharci-dejinta Ameerika meelmariyo sharci oggolaanaya in Sucuudiga lagu eedeeyo in ay lug ku lahayd weerarradii lagu qaaday daarihii ganacsiga magaalada New York, 11 September 2001-kii.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Sucuudiga Mr. Adel Al Jubeir, ayaa shaqsi ahaan farriintan bishii hore u diray xukuumadda Washington waqti uu warramay wargeyska Washington Times, isagoo xusay in eedaymaha loo haysto dalkiisu ay carqalad diblomaasiyadeed ka dhex abuuri karto labada waddan.
Waxa kaloo meel-marinta sharciga oggolaanaya in la dacweeyo Sucuudiga ku tilmaamay tallaabo halis ah, iyadoo waqtigan Baarlamaanka Maraykanku ansixiyey xeer fasaxaya in dacwad lagu qaado cid kasta oo looga shakiyo in ay maalgelisay argagixiso. Xeerkan oo la yidhaa JASTA (Justice Against Sponsors of Terrorism Act) waxa uu dadka dhibbanayaasha ah ee weerarkii 11 September wax ku noqday u oggolaanayaa in ay magdhaw iyo dacwad ba oogi karaan.
Waxa kaloo xeerkani waddada u xaadhayaa in dawladda Sucuudiga lagu eedeeyo in ay masuuliyad ku lahayd qaraxyadii 9/11, halka dawladda Sucuudiguna ku doodday in ay xasaanad ka leedahay dacwadda noocan ah, iyadoo sheegtay xeer la sameeyey sannadkii 1976-kii oo ka horimanaya in dalalka ajnebiga ah lagu maxkamadeeyo, lagana dacweeyo maxkamado ku yaal gudaha Maraykanka, isagoo Xeerka JASTA u oggolaanaya dhibbanayaasha weerarkaas waxyeelladu ka soo gaadhay in iyagoo gudaha Maraykan jooga ay dacwayn karaan hay’adaha amma dalalka ajnebiga ee caawiya argagixisada.
Maamulka Madaxweyne Obama ayaa u ololaynaya in Golaha Sharci-dejinta (Congress) Maraykanku joojiyaan xeerkaas, kana hortagaan in la keeno golaha hortiisa si aan looga doodin, iyadoo laga cabsi qabo in Ameerika qudheeda xeerkani ku keeno carqalad shisheeyo oo dhinaca dalalka dibadda ah.
Sucuudiga ayaa si joogto ah u diida inuu masuuliyad ku lahaa weerarradii 9/11, halka guddi xaqiiqo-raadis ah oo loo saaray weerarradaasna ay caddayn ku wayday dawladdaas, balse hay’adda CIA-du sheegtay in ay hayso dukumantiyo iyo xogo muujinaya in xukuumadda Riyadh lug ku lahaa diyaaradihii lagu weeraray Maraykanka sannadkii 2001-kii.