Araweelo News Network’

Ritz Carlton

Riyadh(ANN)-Xukuumadda Dalka Sucuudiga ee Qoyska Boqortooyada, ayaa wada qorshe baadhitaan ku waajahan saraakiil ka tirsan xukuumadda oo ku jira xabsiyada, kuwaas oo qayb ka ahaa ganacsato iyo maalqabeeno xabsiga loo taxaabay badhtamihii sanadkii hore.

Amiirada Xabsiga ku Jira

Sida lagu shaaciyay Wargeysa Al-sharqal Awsat ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud, ayaa sheegay in kiisaska qaar loo gudbin doono maxkamadaha si kiisaska dacwadaha la xidhiidha dadkaa loo dhegeysto. sidoo kale wuxuu sheegay in dadka weli xidhan ay diideen in ay ogolaadaan heshiiska laga doonayay oo qaar ka mid ah ganacsatada iyo saraakiisha lasii daayay aqbaleen.

Ilaa hadda inta la ogyahay waxaa weli xabsiyada dalka ku xidhan dad gaadhaya 56 qof oo ay ka mid yihiin saraakiil sarsare iyo ganacsato waaweyn, kuwaas oo la xidhay bishii Novembar ee 2017.

Akhri: Xabsiga Qasriga ah ee Amiirada Sucuudiga!!

Kooxdaa, ayaa ka mid ah ahaa in ka badan 200 oo qof oo isugu jira Ammiiro, Bilyandheero iyo saraakiil kale oo lagu hayay hoteelka Ritz Carlton ee magaalada Riyaad.