Warbixin: by Carraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
“Afrika oo Lagu arkay dalal horleh Coronavirus”
Riyadh(ANN)-Sucuudiga, ayaa xidhay xadka ay la wadaagto dalka Kuwait, kadib markii lagu arkay Cudurka Coronavirus, kaas oo tirada lagu arkay ay korodhay.

Boqorka dalka Sucuudiga Salamaan Bin Cabdicasiis, ayaa ku dhawaaqay in muddo toban maalmood ah la xidho xadka ay wadaagaan dalka ay deriska yihiin ee Kuwait, si aanu fayriska Coronavirus ugu soo talaabin dalka Boqortooyada Sucuudiga.
Dhinaca kale, Xukuumadda Dalka Kuwait, ayaa xaqiijisay in ilaa hada lagu arkay 26 qof oo qaba Coronavirus, sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee Kuwait (state news agency reported).


Wasiirka Caafimaadka Kuwait, Sheikh Dr. Basil Al-Sabah, ayaa dhankiisa sheegay in Madaarka Caalamiga ah ee Dalka (Kuwait International Airport) iyo Madaarka kale ee (Sheikh Saad Al-Abdullah Airport) ay kasoo degeen muwaadiniin u dhashay Kuwait, kuwaas ka yimi dalalka lagu arkay Cudurka Coronavuris.

Dr. Basil Al-Sabah, ayaa xusay in dadkaa qaarkood ka yimaadeen dalka Iraan (Islamic Republic of Iran) oo lagu arkay cudurka ay ahaayeen muwaadiniin u dhashay dalkooda, Xukuumadda Kuwait, ayaa xidhay xadka ay la wadaagto dalka Iraaan maalmihii lasoo dhaafay, kadib markii Iraan xaqiijisay in Cudurku ay u dhinteen dad deegaanka Qom.

Xukuumadda Kuwait, waxay sidoo kale, xidheen inay dalkooda soo galaan Maraakiibta qaada saliida ee ajaanibka, kuwaas oo laga mamnuucay inay kusoo xidhtaan dekaddaha dalkaa.


Sida ay sheegayaan Warbixinii ugu danbeeyay 19 qof, ayaa u dhintay saacadihii u danbeeyay, isla markaana 139. qof ayaa lagu sheegay tirada dadka qaba Coronavirus, sida uu baahiyay Telefishanka Qaranka Iran.


Xukuumadda Hong Kong, ayaa sheegtay inay lasoo xidhiidheen Qiyaastii 3,000 oo reer Hong Kong ah oo ku sugan gobolka Hubei ee Shiinaha ay dalbanayaan caawimo caafimaad iyo gurnad, kuwaas oo ay ku jiraan 532 qof oo ku sugan magaalada Wuhan ee Shiinaha oo cudurku kasoo bilaabmay.

Rakaabka ayaa loo ogolaaday inay ka baxaan Princess Diamond, oo lagu karantiimeeyay Yokohama, todobaadkii hore. Qaar ayaa hadda laga helay inay leeyihiin astaamaha cudurka coronavirus [Takashi Aoyama / Getty Images]
Rakaabka ayaa loo ogolaaday inay ka baxaan Princess Diamond, oo lagu karantiimeeyay Yokohama, todobaadkii hore. Qaar ayaa hadda laga helay inay leeyihiin astaamaha cudurka coronavirus [Takashi Aoyama / Getty Images]

Hong Kong, waxay sheegtay in dadka ku waxyeeloobay Hubei ay u baahan yihiin inay is diiwaangeliyaan ugu dambeyn 28 February si loogu celiyo Hong Kong.

Dhinaca kale, dalalka South Korea, ayaa xaqiijiyay in tiro gaadhay 1,000 qof lagu arkay Cudurka, kuwaas oo tiro ka mid ah ay u dhinteen, 28,500 oo askarta Maraykanka ee ku sugan South Korea, ayaa laga helay Coronavirus Askari 23 Jir ah.

Gudaha Maraykanka San Francisco ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo ku saabsan coronavirus Talaadadii, in kasta oo aannu jirin wax kiis ah, iyadoo mas’uuliyiinta Mareykanka ay ku boorinayeen dadka Maraykanka inay u diyaar garoobaan faafitaanka cudurrada ka dhex dhaca bulshooyinkooda.


Magaalada afraad ee ugu weyn gobolka California ayaa sheegtay inay qaaday talaabadan oo kor loogu qaadayo u diyaar garowga coronavirus iyo kor loogu qaado wacyiga dadweynaha ee halista uu fayrasku ku faafi karo magaalada.

“In kasta oo ay weli jiraan kiisas la xaqiijiyay oo laga helay dadka deggan magaalada San Francisco, sawirka caalamiga ahi si dhakhso ah ayuu isu beddelayaa, waxaanan u baahanahay inaannu diyaarinno goobo lagu karantiimeeyo,” sidaa waxa yidhi, Duqa Magaalada London Breed.

sidoo kale, dalalka Afghanistan, Kuwait, Iraq iyo Bahrain, ayaa la xaqiijiyay in lagu arkay Cudurka Coronavirus, maalmihii lasoo dhaafay, halka dhanka Qaarada Afrika 14 February lagu arkay dalka Masar.


Turkiga, ayaa xaqiijiyay in muwaadiniin kasoo laabtay dalka Iraan lagu arkay cudurka, coronavirus, wasiirka Caafimaadka Turkiga, ayaa sheegay in tiro gaadhaysa 132 Turkish ah oo soo gaadhay Caasimada Turkiga ee Ankara, muddo 14 maalmood ah lagu karantiimeeyay Cusbitaal gaar ah.


Faransiiska iyo dalal kele oo dhanka Yurub ah, ayaa iyana lagu arkay Cudurka Coronavirus, halka Afrkika laga soo sheegayo wadamo horleh, waxayna xukuumadda faransiisku sheegtay 17 qof lagu arkay Cudurka, kuwaas oo laba ka mid ah ay dhinteen ilaa hadda, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Caafimaadka.

Greece, Austria, qaar ka mid ah dalalka Yurub iyo Laatiin Ameerika, ayaa ka qaylinaya Cudurka Coronavirus, waxaana dalalka laatiinka lagu arkay dalka Brazil, sida uu shaaciyay Wasiirka Caafimaadka Brazil.

Xukuumadda Imaraadka Carabta ayaa sheegtay inay u qalabaysan tahay ‘xaaladaha ugu daran’ waxayna xaqiijisay in ugu yaraan 13 kiis, kadib markii coronavirus ku faafay Bariga Dhexe, sarkaal ka tirsan Hay’adda Musiibooyinka Qaranka iyo Maareynta ee dalka Imaaraadka, ayaa sidaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters.

Imaaraadku wuxuu leeyahay tan-siilaad ku filan oo karantiimo lagu sameeyo bukaannada waxaana la faray hay’addaha ay khusayso inay sameeyaan “la socosho dhammaystiran dhammaan dadka galaya dalka”, ayuu yidhi, sarkaalku.


Cudurka Coronavirus, ayaa ka bilaabatay magaalada Wuhan ee bdhtamaha Shiinaha bishii Diseembar. Tirakoobyadii ugu dambeeyay ee ay soo saaray Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa muujinaya inay ku dhinteen in kabadan 2,770 gudaha Shiinaha, halkaasoo in kabadan 81,294 qof oo uu haleelay Cudurka, kuwaas oo lala tacaalayo caafimaadkooda, 30,359 ka mid ah ay kasoo kabteen Cudurka Coronavirus.

Xukuumadda Shiinaha, ayaa gobolka ay ku nool yihiin dadka muslimiinta Shiinaha ee Uighur, hoos u dhigtay heerka gurmadka deg-degga ah kadib markii sida ay sheegtay aan la soo sheegin kiisas cusub muddo toddobo maalmood oo isku xigta ah, sidaana waxa shaacisay Arbacadii warbaahinta wararka maxalliga ah ee Tianshan Daily.


Hay’adda Caafimaadka Aduunka, ayaa sheegtay in ay diiwaan geliyeen 427 kiis oo ka baxsan China. ( COVID-19 CORONAVIRUS OUTBREAK )

Dalalka Sudan, Angola, Tanzania, Ghana iyo Kenya, ayaa la xaqiijiyay inay khatar ugu jiraan Cudurkaa, marka loo eego daryeelka Caafimaadka oo awlaba aad u liitay iyo qalabka lagu ogaankaro oo aan lagu kalsoonaan karin, Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee (WHO), waxay sidoo kale sheegtay in 13 dal oo Afrika ah ay daaqayaan halis Caafimaad, kuwaas oo si weyn looga baqayo inuu ku faafo cudurka, waxayna arrintaa sabab u dhigtay WHO, xidhiidhka iyo isu socodka weli u dhexeeya dalalkaa iyo China, kuwaas oo aan muujin wax taxadar ah tan iyo markii sida loogu arkay Coronavirus dalka China oo xidhiidh ganacsi oo weyn la leh qaarada Afrika.

AKHRI: Coronavirus Oo Isaga Gudbay Qaaradaha, Xukuumadda Iraan Oo Shaacisay Tirada Dadka U Dhintay, Dalalka Gacanka Iyo Afrika Ee Lagu Arkay

Cudurka oo hada isaga gudbay qaaradaha, ayaa muuqda helis weyn oo dunidu ku firdhay, wuxuuna fayriska Coronavirus, durba kala qoqobay xidhiidhka iyo macaamilka dunida, isla markaana, wuxuu sababay inay dalalka qaarkood mamnuucaan safarada dadka ka imanaya dalalka lagu arkay iyo kuwa doonaya inay u sadcaalaan.