masjidsucudiga qaraxmasjidRiyadh (ANN) Weerar is qarxin ah, ayaa lala beegsaday Masjid dalka Sucuudiga ku yaal oo ay Salaadii Jimcaha maanta ku tukanayeen dadka Shiicada laga tirada badanyahay ee ku dhaqan dalka Sucuudiga.
Weerarka oo ka dhacay Masjid lagu magcaabo Imam Ali oo ku yaal gobolka dhinaca Woqooyi Bari ee Sharqiya deegaanka Qatif oo ay ku baddan yihiin Muslimiinta haysta mad-habta shiicada, wuxuuna qaraxu dhacay Salaadii Jimcaha oo ay dadkaasi ku cibaadaysanayeen Masjidkaa. Kadib markii qof naftiisa miidaamiyay galay gudaha, walaw ay jiraan warar sheegaya in qaraxu ka duwanaa sidaa oo uu ahaa kuwa sheeda laga hago.
Saraakiisha Caafimadka Sucuudiga, ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 21 qof ku dhinteen weerarkaa, isla markaana ay ku dhaawacmeen in ka baddan 100 qof oo qaarkood xaalad adag ku jiraan.

Kooxda Daacish, ayaa sheegatay weerarkaa, iyadoo ay jireen hanjabaado marar kala duwan ay kooxda Daacish u jeedisay Shiicada, gaar ahaan kuwa Sucuudiga iyo Yemen, waxaana jirtay in Hoggaamiyaha Daacish ISIS Abubakar Al Baqdadi ku hanjabay in ay maalmo madaw waajihi doonaan Shiicada, iyadoo weerar sidan oo kale ah lala beegsaday Masjid ku yaal magaalada Sanca ee caasimada Dalka Yemen bilihii u danbeeyay. Kadib markii Sep 2014, Xuutiyiinta Shiicada ah ay la wareegeen caasimada dalka Yemen, iyagoo meesha ka saaray xukuumaddii Madaxweynaha la doortay ee Abdorabo Mansour Hadi oo hadda masaafuris ku jooga dalka Sucuudiga.
Waa markii ugu horeysay oo qarax lala eegto masaajid ay leeyihiin Shiicada oo ku yaala Sacuudiga, iyada oo ay isa sii tarayso xiisada ballaadhan ee ka taagan gobalka, taas oo u dhaxaysa Suniyiinta iyo Shiicada Muslimka ah.

Weerarka laga bartilmaameedsaday dadka haysta Mad-hata Shiicada ee dalka Sacuudiga, ayaa ah kii u horeeyay ee noocisa ah ee dhaca Masjid ay leyihii Shiicadu oo ku yaal halkaa, wuxuuna weerarkan kusoo beegmay xili ay dawlada Sucuudigu hoggaaminay weeraro dhanka cirka ah oo ka dhan ah falaagada Shiicada ee Yemen ee Shiicada Xuutiyiinta iyo Xulufada Ciidanka Madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdala Saalax, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay taakuleyn ka helayaan Iran.

Ilaa 2, 000 u dhashay dalka Sucuudiga oo u baddan dhalinyaro ayaa ka mid ah Kooxda Daacish ee dagaalka kula jira Xukuumaddaha Ciraaq iyo Suuriya, balse qaar ka mid ah dhalinyaradaa ayaa kusoo laabtay dalkooda dhowaan, iyagoo ka faa’idaysanayay cafis loo fidiyay, waxase laga cabsi qabaa in aanay soo laabashada ay kusoo noqdeen dalkooda waxba ka beddelin fekerkii iyo mabaadiidii sababay inay ku biiraan Jihaadiyiinta Daacish ee ISIS oo dagaalka ciidamada Ciraaq iyo kuwa Suuriya marka laga yimaado ay duqaymo dhinaca Cirka ah ku hayaan dalalka reer galbeedku dhawrkii bilood ee u danbeeyay, balse waxay u muuqataa in aanay waxba ka beddelin xawligii ay ku socdeen kooxda Daacish oo u muuqda kuwo kusii fidaya mandaqada iyo meelo kale oo istiraatiiji ah.
Sacuudiga kuma cusbo weeraro argagaxiso, balse weerarada hore ayaa ahaa kuwo Al-Qaida kaga imanayay, kuwaas oo ahaa kuwo aan si gaar ah loogu bartilmaameedsanayn dadka tirada yar ee Shiicada ku nool dalkaa. Balse waxaa weeraradaa hore ku qaaday Al-Qacida oo wadatay ujeedooyin ka duwan kuwa Daacish ee waqtigan.
Dhinaca kale koox afduubayaal dhinaca Internetka ah, ayaa afduubay ku dhowaad 3,000 Computer oo ay leeyihiin Hay’addaha dawlada Sucuudiga, kuwaas sida saraakiisha amaanka Sucuudiga laga soo xigtay ay afduubeen Koox Yamaniyiin ah oo aan weli la aqoonsan, iyadoo macluumaad iyo Dukumentiyo sir ah la sheegayo in ay ku jireen Computer-da la afduubay.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews