Hargeysa(ANN)-Suldaan Axmed Maxamed Col-haye oo ku magaxdheer (Abu Salmaan), isla markaana ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa ka hadlay go’aamadii ay soo saareen Guddigii Dhex-dhexaadinta ee Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka oo ay dhinacyadu soo dhoweeyeen.


Suldaan Abu Salmaan oo maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in Somaliland ay caan ku tahay inay xaliso khilaafkeeda, iyadoo aanay gamco shisheeye soo fata-gelin, wuxuu amaanay guddiga hawsha gashay oo uu ku tilmaamay inay ahaayeen kuwo ka daacada arrinta dhex-dhexaadinta, taasoo sida uu sheegay sababtay inay go’aamada ay soo saareen noqdaan kuwo mideeya Umadda oo ay dhinacyadii ku wada qancaan.


“Shacbigii cabsida ka qabay arrintaa khilaafka xalay nabad ayay ku seexdeen, waxaadna moodaysay in muddooyinkan danbe gamco shisheeye ina soo galeen, waxaana maalmahan aad loo hadal-hayay inay inagu soo socdaan qolooyinka kaalmeeya doorashooyinka, waxaad ogaataan inay cid walba dan leedahay oo ay maslaxadooda inaga dhex-raadinayaan, balse aanay Illaahay dartii inoogu imanayn. narkaa mar walba waxay doonayaan inay maslaxadooda fushadaan, Laakiin Somaliland marxalado badan oo ay soo martay iyadaa dhexdeeda dhamaysatay, waana sababta ay Somaliland uga duwantahay Soomaaliyada kale.” ayuu yidhi, Abu Salmaan.


Wuxuu Suldaanku carabka ku adkeeyay in mar walba marka Khilaaf yimaado oo ay Somaliland gudeheeda ka dhamaysato aanay ku farxayn, isagoo sabab uga dhigay in aanay fursad u helayn inay danahooda ka dhex fushadaan oo ay waayaan meel ay kasoo galaan, wuxuuna guddigaa ku tilmaamay kuwo maanta Somaliland ka badbaadiyay inay gamco kale soo fara geliyaan, taas oo amaanteeda uu sheegay inay leeyihiin guddiga hawsha ku jiray iyo dhinacyadii aqbalay go’aamada ay soo jeediyeen.


Dhinaca kale, Suldaan Abu Salaam, ayaa sheegay in nidaamka ay qaadatay Somaliland ee Xisbiyada Badan iyo Dumuqraadiyadu ay yihiin wax ku cusub bulshadda oo dhaqankooda ka fog, sidaa awgeed wuxuu sheegay inay mkar walba imanayaan khilaafyo siyaasadeed.
“Nidamka aynu qaadanay ee Xisbiyada badan iyo Dumuqraadiyadu, waa ku cusub Bulshadeena oo meelo badan dhaqankeena iyo Diinteena ka duwan oo ka yimi dalal shisheeye, waa mid adag, markaa kolayba waqti badan ayay qaanay inaynu fahano, sidaa awgeed waxa muhiim ah inaynu dhaqankeena iyo Diinteena ku ilaalino oo mar walba oo khilaaf yimaado aynu dhaqankeena iyo Diinteena ku noqono si ay uga badbaadno wax badan, sidaa awgeed waa inaynu u dulqaadano inta aynu la qabsanayno, waayo iyaguba muddo dheer ayay kusoo dhaqmayeen.” ayuu yidhi, Suldaan Abu Salmaan.

Mar uu ka hadlayay Madax-dhaqameedka tirada badan ee Somaliland wuxuu sheegay in ay mar walba siyaasad ka hadlaan arrimo siyaasadeed, isagoo xusay Bulshada ay sheegtaan inay u yihiin Madax-dhaqameed in aanay u war hayn oo aanay waxba kala socon, sidaa awgeed, wuxuu ugu baaqay Madax-dhaqameedka inay ka waantoobaan dhawaaqyada siyaasada ah ee ay isugu jawaabayaan, ama ay kula kala safanayaan siyaasiyiinta axsaabta.

Suldaan Abu Salmaan oo qaar ka mid ah Saxaafadda kula hadlay maanta magaalada Hargeysa, waxa uu si gaar ah uga hadlay Xaaladda gobolka Sanaag, saamaynta madax-dhaqameedku ku yeesheen muranka siyaasadeed ee Xisbiyada mucaaradka iyo Xukuumadda iyo sidoo kale dedaallada dhex-dhexaadineed ee ay wadaan guddida is-xil-qaantay ee ku dhex-jirta Isu-soo-dhaweynta labada dhinac ee axsaabta mucaaridka iyo xukuumadda Somaliland.