Hargeysa(ANN)- Suldaan Axmed Maxamed Col-haye (Abu Salmaan ) oo ka mid ah Madaxdhaqameedka Somaliland ee deegaanka Gebilay, ayaa deeq gaadhsiiyay  Xarunta Agoomaha ee Gebilay.

Suldaan Axmed Maxamed Col-haye (Abu Salmaan ) oo  Xarunta Agoomaha ee Gebilay ku wareejiyay deeq
Suldaan Axmed Maxamed Col-haye (Abu Salmaan ) oo  Xarunta Agoomaha ee Gebilay ku wareejiyay deeq

 Suldaanka, ayaa ku wareejiyay deeqdaa dharka Ciida ah ku wareejiyay maamulka xarunta Agoomaha ee Gebilay si ay ugu qaybiyaan Agoomaha  ay masuulka ka yihiin, wuxuuna Suldaan Axmed Maxamed Col-haye ku amaanay maamulka xarunta dedalalka ay ugu jiraan sidii ay ugu adeegi lahaayeen dadka agoomaha ah oo uu sheegay in ay maamulka xaruntu yihiin kuwo soo gaadhsiiyay baahidooda.

Suldaan Axmed Maxamed Col-haye (Abu Salmaan ) oo  Xarunta Agoomaha ee Gebilay ku wareejiyay deeq
Suldaan Axmed Maxamed Col-haye (Abu Salmaan ) oo  Xarunta Agoomaha ee Gebilay ku wareejiyay deeq

Wuxuuna Suldaan Col-haye sheegay in dharkaa ugu tala galeen inay ku ciidaan dadka agoonta ah ee ku jira xarunta maadaama ay tahay bishii khayrka iyo naxariista, isagoo u mahad celiyay cidii gacan ka geysatay deeqdaa.

Suldaan Axmed Maxamed Col-haye (Abu Salmaan ) oo Xarunta Agoomaha ee Gebilay ku wareejiyay deeq

Maamulka xarunta Agoomaha ee lagu wareejiyay deeqda, ayaa isna dhinaciisa uga mahadceliyay deeqdaa uu Suldaanku soo gaadhsiiyay, iyagoo sheegay in uu Suldaanku yahay dadka khayrka iyo wanaaga ka shaqeeya, iyagoo u rajeeyay in Ilaahay ka siiyo xasanaad wanaaga uu sameeyay bisha barakaysan ee Ramadaan.