“Qaranka Somaliland baa garabjooga Suldaanka, diyaarna u ah mustaqbalka” Ambassador Yuusuf Maxamud Guuleed

Addis Ababa(ANN)– Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u jooga dalka Ethopia, Amb. Yuusuf Maxamud Guuleed ayaa warbixiyay xaalada Caafimaad ee Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-Qani, oo dhowaan xaalad Caafimaad halkaa loo geeyay.

Safiirka JSL ee Ethiopia, Amb. Yuusuf Maxamuud Guuleed oo Weriye Maxamuud Walaaleye, oo ka tirsan hawl-wadeenada Wargeyska Dawan ee Dawladda oo kasoo baxa Magaalada Hargeysa, ayaa khadka Fariimaha kula xidhiidhay Safiirka si uu wax uga weydiiyo xaalada Caafimaad ee Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-Qani, wuxuuna Amb. Guuleed u sheegay inaanay xukuumada Somaliland kaalin ka qaadan daawaynta Suldaanka oo keliya, balse damaanad-qaaday guud ahaan, maalintii la keenay caasimada Addis Ababa, ilaa maanta-na Safaarada JSL ee Ethiopia, oo kaashanaya ehelka Suldaan Maxamed garab-taagan tahay.

“Xaaladda Suldaanku aad bay u wanaagsan tahay. Ilaahay ducadii wuu aqbalay oo imika xitaa wuu fadhiisan karaa. Garashadiisu way joogtaa oo aad buu u fiican yahay, waxaanu helay daryeel caafimaad loo hagar-baxay, dawlad iyo ehelba.” Ayuu kaga jawaabay su’aal laga weydiiyey xaalada caafimaad ee Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani ee xilligan oo lagu dawaynayo Cusbitaal ku yaal dalka Ethiopia.

“Dawladda JSL kaalin kaliya kumay lahayn ee guud iyadaa dammaanad-qaadday xaaladda caafimaad ee Suldaanka oo runtii ah nin Qaran oo dal iyo dad ba kaalin mug ah ku leh. Diyaarad caafimaad gaar ah ayay dawladdu kaga soo qaadday Hargeysa oo Addis Ababa lagu keentay. Maalintaa iyo maantana dawladdu way garabjoogtay. Safaaradda JSL ee Ethiopia, oo kaashaynaysa ehelka Suldaanka oo iyana door muhiim ah qaatay, waxay kaalin mug leh ka ciyaareen daaweyntiisa, daryeel iyo duljoog intaba. Suldaan Maxamed Qaranka Somaliland baa garabjooga, diyaarna u ah mustaqbalka Insha alaah. ayuu yidhi, isagoo ka hadlaya doorka xukuumadda Somaliland ee Caafimaadka Suldaanka.

Wuxuu sheegay Safiirka Somaliland ee dalka Ethopia inay ilaahay ka baryaynaan inuu inta u dhiman caafimaadkana degdeg u siiyo, isla markaana dhakhaatiirta ay ka sugayaaan marka ay ku taliyaan, walaw uu xusay in Suldaan Maxamed hada loo bilaabay jimicsigii, sidaa awgeed ay xaaladiisu aad u wanaagsantahay.