Mascat (ANN)- Dowladda Cummaan, ayaa xaqiijiyay in uu geeriyooday Suldaan Qabuus Bin Saciid oo ahaa hoggaamiyihii dalkaa maamulayay mudo 50 sanadood ah, sidaana waxa faafisay Wakaaladda wararka dowladda Cummaan oo sheegtay in Suldaanku uu Jimcihi ku dhintay Cuabitaal.


Wasiirka Dhaqanka iyo Hiddaha Cummmaan Haitham bin Tariq al-Saciid , ayaa sheegay in Suldaan Qaabuus dhintay, kadib markii Maxkamadda sarre xaqiijisay geeridiisa, isagoo dadiisu ahayd 79, wuxuuna sheegay in qofkii noqon lahaa Suldaanka xukuma dalkaa qoysku ka tashanayaan, balse Sabtidii ayaa mar danbe lagu qoray Barta Twitterka ee Dawladda Cummaan in Suldaanka cusub ee dalka Xumaya loo magcaabay Haitham bin Tariq al-Saciid oo hore u ahaa Wasiirka Dhaqanka iyo Hiddaha iyo xoghayaha guud ee wasaaradda arrimaha dibedda.


Khudbaddiisii ugu horreysay ee uu u jeediyo Telefishsnka umadda, wuxuu Suldaan Haitham ku dhaartay inuu taageeri doono siyaasada arrimaha dibedda ee khaliijka, taasoo uu sheegay in lagu dhisay “nabad ku wada noolaansho” iyo xidhidh saaxiibtinimo oo ay la yeeshaan dhammaan ummadaha kale.

Waxaan sii wadi doonnaa inaan raacno, isla kan oo dabakhno dabayaaqadiisii siyaasadii uu Suldaanku qaatay, qaadashada siyaasadaha shisheeye ee ku salaysan wada noolaanshaha nabdoon ee dadka iyo waddamada, iyadoo aan faragalin lagu samaynin arrimaha gudaha ee dowladaha kale, “ayuu ku yidhi Suldaanka cusub khudbada uu telefishinka ka sheegay Aaska kadib.


Suldaanka cusub wuxuu kaloo balanqaaday inuu raacayo talaabadii uu horay ugu maray uuna “ku sii hogaansami- doono xigmaddiisa mustaqbalkiisa, uuna ilaalin doono guulaha uu gaadhay.” ayuu sheegay, Suldaan Haitham.


Suldaanka Qaabuus oo 50 sannadood xilka hayay talada Cummaan, wuxuu xukunka qabtay sanaddii 1970-kii, intii uu talada hayay wuxuu dhulka Jaziiradda Carabta soo geliyay ciidamo isugu jira American iyo British, iyadoo dawladda Britain ka caawisay Suldaanka inuu inqilaabo awoodii maamulkii hore ee Ingiriiska 1970.

Warbaahinta dowladda Cummaan waxay sheegtay in Suldaan Qaabuus loo sameyn doono baroor diiq seddax maalmood ah, islamarkaana calanka wadanka hoos loo dhigayo muddo ku siman 40 maalmood.

Dhanka kale, telefishanka dawladda ayaa baahiyay sawirro muujinaya aaska qaran ee loogu sameeyay magaalada Muscat iyada oo amnigana aad loo adkeeyay.


Dastuurkii Cummaan, wuxuu farayaa qoyska boqortooyada inay doortaan Suldaan cusub seddex maalmood gudahood geerida kadib. Haddii taa la waayo, warqad uu qoray Suldaan Qabuus ayaa la furi doonaa ka hor inta aan militariga iyo mas’uuliyiinta dowladdu aanay shaaca ka qaadin doorashada qofkii bedali lahaa.


Suldaan Qaabuus oo ahaa nin nabadeed dalkiisa ku maamula siyaasad degan, isla markaana gaadhsiiyay horrumar dhanka dhaqaalaha ah,

Qaabuus waxa muddooyinkii u danbeeyay lasoo dersay xaalad ,caafimaad-daro, iyadoo la rumaysan yahay inuu la ildarnaa cudurka kansarka. Bishii la soo dhaafay, ayuu ku soo noqday dalka kadib markii uu soo maray baadhitaano caafimaad iyo daaweyn dalka Belgium ah.


Suldaanka geeriyooday, muu lahayn xaas iyo caruur midna, mana uu guursan noloshiisa, wuxuuna ku dhintay isagoo 79 jir ah, Qaabuus wuxuu ahaa Amiirkii dunida ugu xukunka dheeraa.