saylici1
Hargeysa (ANN)Madaxweynee ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa khaayinul waddan ku tilmaamay suldaan ka mid ah kuwa gobolka Awdal oo ku dhuumaalaysanaya Buuraha xuduudka Itoobiya, kadib markii uu dhawaan shaaciyey inuu ka goostay Somaliland.
Saylici oo waraysi siiyey Telefishanka Qaranka xalay, waxa uu sheegay in Suldaan Wabar yahay qaran-dumis ka soo horjeestay heshiiskii iyo cahdigii Somaliland hore u gaadhay, isla markaana arrinntiisu aanay ku salaysnayn tabashooyinka bulshada reer Awdal hore u sheegteen.
“Gobolka Awdal waxa ku soo kordhay laba arrimood oo aan runtii laga filayn, dhaqanka reer Awdal-na ku cusub, waa mide Awdal iyadoo burburkii Soomaalia dhiiggu yaalo oo dadkii siyaasadda iyo burburkii Soomaaliya kala dilay ayey ahayd tii go’aankii ugu adkaa qaadatay ee ahaa nabadda, dabadeedna ah gobol dhismay oo nabaddii ku horumaray, in la yidhaahdo jabhad baa ka bilaamaysa Awdal waxay noqotay arrin aan laga filayn. Waxa kaloo mucjiso labaad noqotay oo aan dhaqanka Soomaalida ama reer Somaliland looga baran in suldaan qori qaato oo jabhad ku dhawaaqo. Waxa inta badan qori iyo colaad ku baaqaa waa nin siyaasi ah oo mar walba mansab iyo wax raadinaya, laakiin suldaanku wuxuu ka taliyaa nabadda iyo isku soo dhawaanshaha dadka,” ayuu yidhi Md. Saylici.
Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu sheegay in ay suldaanka iyo kooxda wehelinaysaba ay u aqoonsadeen qaran dumis, balse aannu waxba yeeli karin dawladda Somaliland, isagoo xusay in wax natiijo ahi ka soo bixin waanwaan loo diray suldaanka, waxaannu yidhi, “Waxaannu u dirnay jufada uu ku soo jeedo inay qabato, markii arrintii jiitantayna annagaa u tagnay oo markaa dadkii ku nidhi waxani maaha wax inaga qabta ummadda Somaliland, mana aha mid ku fadhida tabashadii reer Awdal oo maaha in dadka la khaldo, tabashada waa in qofku isagoo Somaliland ah wax tawdo, laakiin nikaasi wuxuu ka baxay qaranimadii Somaliland iyo cahdigii ahaa in Somaliland la wada dhisto oo ay qaran noqoto, wuxuu ka baxay heshiiskii ummadda Somaliland 1993-kii ku heshiisay ee ahaa ciddii ka baxda in ummadda Somaliland meel uga soo wada jeedsato oo gacanta la wada saaro. Markaa waxaannu ninkaas iyo wixii la socdaba u aqoonsannay nin qaran dumis ah, waxaannu noogu astaysanyahay nin khaa’inul waddan ah. Somaliland maanta waa qaran qaangaadhay oo 23 sanno jiray oo maaha mid qof iyo laba dumin karayaan.”
Waxa kaloo uu jawaab ka bixiyey eedaymo xisbiyada mucaaradku ugu jeediyeen xukuumadda ciidammo la geeyey Gobolka Awdal, taas oo uu xusay inay ku khaldan yihiin, “Xisbiyada mucaaradka ahi aad bay u khaldan yihiin runtii, inay meel walba wax ka dayaan maaha, qofku markuu tartamayo inuu wax kale ku tartamo ayaa wanaagsan ee hawsha amniga waxa loo igmaday xukuumadda hadba joogta.
Ciidammada qaranka waxa loo samaystaa laba arrimood, mid waa inay ka difaacaan dalka duullaan dibadda ka yimaada, midna waa inay gudaha ka ilaaliyaan meel kasta oo dhibaato ka imanayso, markaa ciiddanka ama booliska la yidhaa SPU-da ee tagay Boorama waxa lagu ilaalinayaa in aanay nabaddu waxyeeloobin ee maaha kuwo cid duullaan ku ah,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com