Araweelo News Network

 

Washington(ANN)-Dalalka Suudaan iyo Sreal ayaa kala saxeexaday heshiis ka dhigaya xidhiidhkoda mid acaadi ah.

Sidaana waxa sheeciyay Madaxweyn Trump oo ku dhawaaqay in Israel iyo Suudaan ay ku heshiiyeen inay caadi ka dhigaan xidhiidhkooda

Madaxweyne Trump ayaa warkan ka sheegay xafiiska Oval, isagoo khadka taleefanka kula wadaagay ra’iisal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, gudoomiyaha sudan ee gollaha madaxbanaanida Abdel Fattah al-Burhan iyo ra’iisal wasaaraha sudan Abdalla Hamdok.

Madaxwayne Trump ayaa ku tilmaamay talaabadan mid taariikhi ah oo ay qaaday xukumadda Khartuum, wuxuuna sheegay in Suudaan iyo Israel ay ku heshiiyeen in ay caadi ka dhigaan xidhiidhkooda, taas oo uu ku tilmaamay guul laga gaadhay siyaasadda arrimaha dibadda ee mudada uu xilka hayo, waxayna arrintan kusoo beegnatay wax ka yar laba toddobaad ka hor doorashada madaxtinimada Maraykanka oo la saadaalinayo in lagaga guulaysto.

Dhinaca kale Sida lagu sheegay bayaan wadajir ah oo ka soo baxay saddexda dal, hoggaamiyeyaasha Suudaan iyo Israa’iil “waxay isku raaceen in caadi laga dhigo xidhiidhkooda u dhexeeya Suudaan iyo Israa’iil iyo in la soo afjaro xaaladda dagaal ee ka dhaxaysa umadooda” waxayna sheegeen in ay isku raaceen in la bilaabo xidhiidh dhaqaale iyo ganacsi oo ahmiyad gaar ah lagu siiyo, isla markaana marka hore diirada lagu saaro dhanka beeraha.

Hoggaamiyayasha saddexda dal, waxay kaloo isla garteen in wufuudda dhinacyadu ay kulmi doonaan toddobaadyada soo socda si ay uga xaajoodaan heshiisyada iskaashiga ee aagaggaas iyo sidoo kale tikniyoolajiyadda Beeraha, Duulista, arrimaha socdaalka iyo meelo kale oo labada shacab waxtar u leh. si loo dhiso mustaqbal wanaagsan, oo loo hormariyo sababaha nabada gobolka, ”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka wadajirka ah ee dhinacyadu soo saareen.

Ra’iisal Wasaaraha Sreal Netanyahu wuxuu sheegay in wufuudda Israa’iil iyo Suudaan ay kulmi doonaan “dhowaan” si ay u bilaabaan wadahadalada iskaashiga dhinacyada kala duwan, sida beeraha iyo ganacsiga.

Hogaamiyaasha Falastiin ayaa dhaleeceeyay heshiiska, waxayna ku tilmaameen “midi dhab ahaantii dhabarka lagaga jebinayo shacabka Falastiin iyo Suudaan.” Kooxaha Qaza ayaa iyaguna ka dhawaajiyay sida ay uga cadhoodeen heshiishkaa oo ay ku timaameen mid lagu manjaxaabinayo qadiyada Falasiiniyiinta iyo shacabka Suudaan.

Arrintan ayaa la sheegey in ay Suudaan ka caawinayso in laga saaro liiska waddamada lagu eedeeyo in ay taageeraan Al-Qaacida.

Dawladda ku meelgaadhka ah ee Suudaan, ayaa dhowaan ogolaatay inay dusha u ridato dadkii ka badbaaday iyo qoysaskii dadkii ku waxyeeloobay weeraradii 1998-dii lagu qaaday safaaradaha Maraykanka ee Tanzania iyo Kenya, weerarkii 2000 lagu qaaday markabkii USS Cole ee Dekedda Cadan ee dalka Yamen iyo dilkii 2008-dii shaqaale ka tirsan Hay’adda Horumarinta Caalamiga ee Maraykanka John Granville oo lagu dilay Khartoum.

iyadoo lagu khasbay hoggaamiyaasha Suudaan lacag magdhaw ah oo 335 milyan oo doolar, taas oo ay shalay ku wareejisay Akoonka xisaabeed loogu talagalay dhibbanayaasha iyo qoysaskooda.

Suudaan ayaa ku biirtay waddamada Carbeed ee saaxiibka dhow la noqday Israa’iil ee Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn,  kuwaas oo Israel la saxeexday heshiikaa oo meelo baddan dunida Islaamka ah laga canbaareeyay, isla markaana lagu tilmaamay mid meesha ka saaraya qadiyada Falastiin iyo arrinta Qudus oo la doonayo in loo gacangeliyo Yuhuuda.

Qoyska Boqortooyada ee Xukuumadda Sucuudiga, ayaa si hoose qayb uga ah heshiiskaa oo Maraykanku ku duduucay in ay la saxeexdaan Israel dalalka Imaaraadka Iyo Baxrayn.