suuqa gubtayMogadishu(ANN)Suuqa ugu weyn dhinaca Shidaalka ee Black Sea oo ku yaal xaafada Hawlwadaag ee magaalada Muqdisho, ayaa dab qabsaday maanta, waxaana ka dhashay khasaare hantiyeed oo aad u balaadhan.
Wararka qaar, ayaa sheegaya in dabkaa uu sababay kadib markii mid ka mid ah Mishiinada loo adeegsado inay shidaalka ka shubaan Booyadaha uu qarxay, taas oo sababtay dabka oo ku baahay suuqaa, isla markaana saacado baddan ka holcayay halkaa, iyadoo lagu guuldaraystay in la baqtiiyo.
Hase yeeshee Gurmadka gaadiidka dab damiska, ayaa ku guulaystay ugu danbayntii in la baqtiiyo dabkaa oo dhaliyay khasaare hanti baddan oo isugu jira Kaydadkii Shidaalka yaalay goobta, Bakhaaro ay ka buuxaan baddeecado iyo Hantidii taalay oo ku shuf belay dabkaa.
Marar baddan, ayaa suuqayada waaweyn ee Muqdisho sidan oo kale dab khasaare baddan dhaliyaa uga kacaa, iyadoo aan inta baddan lagu guulaysan in hore loo baqtiiyo.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews