Midawga Yurub oo la hordhigayo baaxada khasaaraha Dhaqaale ee uu sababay Dabkii Suuqa Waaheen

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Dalka Sweden, ayaa balanqaaday doorka ay ka qaadanay masiibadii ka dhalatay suuqa Waaheen, iyadoo wefdi ka socda Sweden ay maanta soo gaadheen Magaaladda Hargeysa.

Alt: Araweelo News Network.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiska qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay maanta safiirka dalka Sweden Amb. Per Lindgarde oo booqasho ku yimi Hargeysa.,6 April 2022. Araweelo News Network.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiska qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay maanta safiirka dalka Sweden Amb. Per Lindgarde oo booqasho ku yimi Hargeysa.

Ujeeddada socdaalkiisa, ayaa lagu sheegay in ay qayb ka tahay sidii dawladdiisa Sweden taageero ugu muujin lahayd dhibaatada uu sababay dabkii 1 April 2022, galaaftay Suuqa ugu weynaa Hargeysa ee Waaheen, kaas oo sababay khasaare lagu qiyaasay 2Bilyan oo dollar.

Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka Soomaalida ee Sweden, ayaa lagaga hadlay masiibada ka dhalatay dabka burburiyay suuqaa , sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed koobban oo kasoo baxay kulanka kaddib qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

Qoraal saxaafadeedka Madaxtooyadda, ayaa lagu sheegay in Amb. Per Lindgarde sheegay intii lagu jiray kulankaa inay ka xunyihiin ka dawlad iyo shacbi ahaanba dhibta soo gaadhay Suuqa Waaheen iyo ganacsigii weynaa ee Somaliland laf-dhabarta u ahaa.

Amb. Per Lindgarde, ayaa ballan qaaday inay dhankooda diyaar u yihiin inay ka caawiyaan wixii taageero dhaqaale ah ee ay arrintaa ka geysanayaan, isagoo wakiil ka ah dalka Sweden, sida ay sheegtay Madaxtooyadda Somaliland.

Dhinaca kale, wuxuu xusay inay dhawaan isugu imanayaan shir deg-deg ah oo lagu qaban doono Nairobi, kaasoo ay ka qayb-gelayaan dalalka isku bahaystay midawga Yurub, shirkaa oo ay kaga arrinsanayaan sidii gacan dhaqaale looga gaysan lahaa masiibadii suuqa weyn ee waaheen, ayaa lagu yidhi, war-qoraalka Madaxtooyadda.

Dhankiisa, Madaxweynahe Biixi, ayaa uga mahadnaqay safiirka, yaboohida iyo garab istaagga ay u ballan qaadeen shacbiga Somaliland inay kaga taageeraan masiibadii dabku geystay ee ay ku caydhoobeen boqollaal reer Somaliland ah. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu warbixin ka siiyey xajmiga dhibaatada dabku inta ay leegtahay iyo baaxadda dhaqaaleee ku burburay suuqa shufbeelay ee Waaheen.

Laxidhiidha: Somalia: Dhawr Iyo Tobban Millyan Oo Masiibada Suuqa Waaheen Loo Qoondeeyay

Sida lagu xusay war-qoraalka Madaxweyne Biixi, waxa kulankaa ku weheliyay, wasiirka horumarinta maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ahna Ku Simaha Wasiirka Cabdinaasir Cumar Jaamac, halka dhinaca weftigana safiirka uu ku weheliyay Madaxa xafiiska Siyaasadda ee Safaaradda Sweden Mr. Johan Svensson.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com