Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Taageeraasha Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa oo saaka waaberigii Isugu soo baxay Fagaarayaasha magaalooyinka waaweyn ee dalka Iyo degmooyinka,si ay u muujiyaan taageerada cududooda iyo dareenkooda Shucuurta Olollaha Doorashada Madaxtooyadda oo ahayd maalintii labaad ee ay u lahaayeen kaltanka xisbiyada ololaha kaanbeynka.

 

Taageerayaasha KULMIYE

Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, waxa subaxnimadii hore hadheeyay sawaxanka Iyo dhawaaqyada taageerayaasha oo wata calamo Iyo istiikaro ay ku sawiran yihiin labada murrashax ee Muuse Biixi Cabdi Iyo madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Salylici, kuwaas isaga soo baxay xaafada iyo daafaha magaalada, Isla markaana Isugu tegey Garoonka Hargeysa Stadium iyo Xarumaha ay ku leeyihiin degmooyinka Magaalada oo masuuliyiin ka tirsan xisbiga iyo xubno xukuumadda ka tirsan kula hadleen.

Sidoo kale kumanaan Isugu soo baxay Magaalada Burco, ayaa isugu soo baxay Fagaaraha weyn ee Burco, iyadoo Murrashaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi iyo masuuliyiin kale kala hadleen, kuwaas oo si xamaasad ah Isugu soo baxay saaka waaberigii, Isla markaana hadheeyay shaaracyada Wadooyinka waaweyn ee Burco, iyagoo sita astaamaha calanka KULMIYE , istiikaro waaweyn, boodhadh ay ku qoran yihiin halkudhegyo, Isla markaana ku lesbian diray ska uu ka samaysay yahay Calanka KULMIYE.

Sidoo kale Magaalada Xarunta ah ee Boorama, waxa tagaaerayaasha KU!MIYE oo muujiyay cududooda isu soo baxyo ku sameeyeen.

Ololaha isu soo baxa Magaalada Berbera, ayaa sidoo kale taageerayaasha KULMIYE ka sameeyeen halkaa, iyadoo masuuliyiinta Xisbiga iyo kuwo xukuumadda ka trsan kala hadleen.

Magaalooyinka Laascaanood Iyo Ceergaabo, ayaa Sidoo kale laga sameeyay isu soo baxyo ay taageerayaasha KULMIYE ku muujinayaan cududooda, iyadoo deegaamada kale ee gobolada Sanaaag Iyo Sool laga muujiyay taageerada Xisbiga KULMIYE.