Araweelo News Network

tababarshaqaalahdawladaHargeysa (ANN) Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland Md. Sharmarke Axmed Muxumed, ayaa tababar socday muddo hal maalin ah u furay madax qaybeedyada shaqaalaha Hay’addaha Dawladda Somaliland.
Tababarkan oo ujeedadiisu ahayd sidii loo horumarin lahaa, isla markaana qiimeyn loogu sameyn lahaa shaqaalaha dawladda ee Hay’addaha kala duwan ka hawlgala, kaasoo ka furmay xarunta Mac-hadka CSI ee Dawladda Somaliland, loona qabtay madax qaybeedyada Shaqaalaha Hay’addaha Dawladda.
Waxa tababarka iska kaashaday Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Mac-hadka Waxbarashadda Dawladda ee CSI, waxaanna furitaankii tababarka hadalo ka jeediyey Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland Md. Sharmarke Axmed Muxumed iyo Guddoomiyaha Mac-hadka Waxbarashadda Dawladda CSI ee Somaliland Mr. Guuleed Hagoog, kuwaasoo iftiimiyey ahmiyadda tababarku u leeyahay xubnaha fursada u helay inay ka qaybgalaan iyo waxtarka uu u yeelan doono.
“Waxaannu ugu talogalay tababarkan inay ka qaybqaataan Madaxda Waaxda Shaqaalaha ee dawladda Somaliland, waxa weeye waddana dunida ilaa uu hagaajisto shaqaalaha dalkiisa horumar gaadhi maayo, waxa qudha ee aynu hubno in aynu haysano Somaliland waa dad, haddii aynaan dadka dhisina horumar gaadhi meyno, maanta waxaynu halkan kaga wadahadli doonaa aqoon korodhsi hal maalin qaadan doona aynu kaga hadli doono doorka maareynta shaqaalaha, innaga oo eegayna doorka iyo heerka hannaanka shaqaalaha, maadaama oo aad tihiin madaxdii wasaaraddaha, waxaynu doonaynaa halka aynu dooneyno ee in aynu hiigsaneyno in uu noqdo maareynta shaqaalaha.” Sidaa waxa yidhi Mr. Guuleed Hagoog.
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Md. Sharmarke Axmed Muxumed oo isaguna hadal kooban ka jeediyey furitaanka tababarkaas, ayaa sheegay inay muhiim tahay in la dhiso aqoonta shaqaalaha.
“Waxa tihiin unug weyn oo qiimo leh dawladda dhexdeeda marka la eego, waxaad maamushaan dawladdu waxay ku faanto oo ah dadka adduunyada waxa tartan ku jira khayraadka dabiiciga ah iyo khayraadka dadka ah, waxa si la yaab leh u dhaafay khayraadkii dadka oo khayraadkii dabiiciga ahaa waxba tari waa haddii doolar, dahab iyo shidaalba dhulka hoostiisa ku jiro, laakiin dad wanaagsan oo ku soo saara aanad haysan khayraad ayaan leeyahay waxba tari meyso, waxaad tihiin marka wasaaradda iyo horumarkeeda waxaad qayb ka tihiin qaybta weyn ee Wasaaraddaha aad dhex joogtaan, waxaad sidoo kale muhiim u tihiin caddaaladda dalka, waxaad tihiin dadka maamula shaqaalaha wasaaraddaha jooga dalacsiintooda, derojeyntooda, derojo beddelka, guuleyntooda iyo guneyntoodaba, intaba qayb weyn ayaad ku leedihiin, sida darteed ayeynu mar walba iskugu iman doonaa in aynu noqono shaandho miiro fiican oo soo gudbisa dadkii u qalmayey in aynu dalacsiino,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu.
Waxaannu intaas ku daray; “In aynu kor u qaadno dhiiranaanta aynu ku dhiiranayno quruxinta shaqaalahaha dawladeena inaynu xadhig wanaagsan u jeexno waa tartan wasaaradda dhexdooda lagu tartamo dhinac togan oo aan lagu tartamin dhinaca taban oo aanu qofka macno u sameyn cidda uu yahay, macno u samaynso dedaalka u sameeyey ee uu ku soo kordhiyey Wasaaradaha dalka. Inaad is garataan qiimaha aad ku leedihiin qaranka iyo macnaha weyn ee runtii ummadda ugu fadhidaan, inaad markaa wasaaradihiina ku celisaan waxaad halka ka koradhsataan.”