gaadhiqabiijiyemaydad laga helayVienna(ANN)Dawlada Austria ayaa xaqiijisay inay heleen maydadka dad tahriibayaal ah oo laga helay gaadhi kuwa qafilan ee Qaboojiyaha lagu qaado Digaaga, waxaana laga helay meel cidlo ah oo ka tirsan gobolka Burgenland ee Bariga dalka Austria oo aan ka fogayn xuduuda Hungary.

Tirada rasmiga ah ee maydadka laga helay gaadhiga iyo dalalka ay u dhasheen aan si dhab ah ilaa hadda loo aqoonsan, balse saraakiisha dalka Austria waxa ay xaqiijiyeen inay tirada dadka maydadkooda laga helay gaadhigaa gaadhayaan 20 ilaa 50 qof, iyadoo baadhitaan lagu waddo gaadhigaa iyo dadka tahriibayaasha ah ee maydadkooda laga helay.

Qaar ka mid ah dadka ayaa la aqoonsaday inay ka yimaadeen dhinaca dalka Suuriya, balse waxa la rumaysan yahay inay suurtagal tahay inay ku jiraan dad kale oo aan weli la aqoonsan dalalka ay u dhasheen.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Austria, Johanna Mikl-Leitner, ayaa ku tilmaamay arrintaa inay tahay musiibadani dalalka Yurub tusayso sida loogu baahan yahay in Yurub ay shuruuc lagu difaacayo dadka soo galootiga ah oo lagaga hortagyo dadka dhibaateeya la sameeyo.

Gaadhiga maydadka laga helay waxaa uu ka diiwaan gashan yahay dalka Hungary, xukuumadda Budapest waxa ay sheegtay in maamulka Austria ay kala shaqeynayaan sidii loosoo qaban lahaa dareewalkii gaadhiga ee dadkaa haligay. Kaddibna kaga cararay wadada dhexdeeda.

Dhacdadan oo si weyn usoo jiidatay indhaha caalamka, ayaa kusoo beegantay xilli Caasimadda Austria ee Veinna lagu qabanayo shir la doonayo in lagaga wadda hadlo qoxootiga magan-gelyo doonka ah eek u qul-qulaya Yurub, iyadoo dalalka Yurub hore ugu guuldaraysteen inay ilaaliyaan dadka magangelyo doonka ah.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Austria, Sebastian Kurz oo la hadlay BBC, ka hor shirka lagu qabanayo dalkiisa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo dadaalka lagula tacaalayo tirada tahriibayaasha ee Yurub ku wajahan.

Dadka ka qaxaya collaadaha iyo dagaalada ka jira Dalalka Suuriya, Ciraaq iyo wadamada Afrika ayaa noqday kuwii ugu badnaa ee qoxooti ahaan ku gala dalalka Yurub wixii ka danbeeyay dagaalkii labaad ee Aduunka, waxayna qaar baddan oo ka mid ah dadkaa ku haligmeen badda u dhaxaysa Talyaaniga iyo Libiya, iyadoo kumanaan qof oo ay ku jiraan Soomaali sanadii u danbeeyay ku haligmeen saxaraha iyo biyaha Badda ee Libiya.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews