Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa ganafta ku dhuftay in uu aqbalo warqad amar ah oo ka soo baxday Maxkamadda gobalka Maroodi-jeex, taasi oo sheegaysay in waalidiinta, saraakiisha xisbiga WADDANI iyo weli ba gayqaan Guuleed Dafac ba loo oggolaado in ay soo booqan karaan siyaasiyiinta Xisbiga WADDANI ee ku xidhan saldhiga dhaxe ee Hargeysa.

Amarkan oo Maxkamadda gobalka Maroodi-jeex ka soo baxay maanta oo taariikhdu tahay 20/04/2017ka, ka dib markii siyaasiyiintaas loo oggolaan waayey in la soo booqon karo oo ay la kulmi karaan waalidiintoodii iyo weli ba sida oo kale saraakiisha ugu sar-sareysa Xisbiga WADDANI, ayaa hada na uu taliye Fadal ku adkeystay in aanay oggoleyn in la soo booqdo isla mar ahaantaana aanay marnaba aqbali doonin amar kasta oo ka soo baxa Maxkamaddaha dalka.
Tallaabadan, ayaa noqoneysa mid dhaawac ku ah xaqa muwaadinka reer Somaliland, waxaana ay sida oo kale burburin ku tahay shuruucda iyo nidaamka kala dambeyneed ee dalka iyada oo dhinaca kale na keensanaysa dhibbaato cadaawaddeed oo uu abuuraayo taliyaha ciidamada Booliska Somaliland.