Araweelo News Network

General Muxiyadiin Axmed Muuse

Hargeysa(ANN)-Taliyihii Aagga Dagaalka Ee Maamulka Puntland General Muxiyadiin Axmed Muuse, ayaa gacanta lagu dhigay kadib markii ciidanka Puntland Weerrar kusoo qaadeen saaka fadhiisinka hore ee deegaanka Tukaraq ee Ciidanka Qaranka Somaliland.

Wararka shebekadda wararka Araweelo News Network ka heshay deegaanka, ayaa sheegaya in General Muxiyadiin Axmed Muuse uu ka mid ahaa sarkaalka ugu sareeya ee lagu qabtay  dagaalka, iyadoo ay jiraan sida ay wararku sheegayaan maxaabiis labaataneeyo ah oo laga qabtay Ciidanka Maamul goboleedka Puntland.

Maxaabiista laga qabtay Puntland, waxay wararku sheegayaan in ay u badan yihiin Ciidamadda Badda ee Maamul goboleedka Puntland ee lagu magcaabo Saracen oo dawladda Imaaraadku maal geliyo Iyo kuwa loo yaqaan shahaado la dirirka.

sidoo kale wararka, ayaa sheegaya in gaadiid dagaal laga qabtay maamulka Puntland, Isla markaana dhaawacyo baddan la gaadhsiiyay Cusbitaalka Garoowe, iyadoo uu jirto khasaare dhimasho

 

Dhinaca Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa khasaare sahlan soo gaadhay, Isla markaana ay jiraan dhimasho iyo dhaawac, balse Khasaare sahlan soo gaadhay marka loo eego maamulka Puntland.