Araweelo News Network

Golaha Wasiiradda Somalia Photo file Araweelo News Network

 

Muqdisho(ANN) –Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa Xilalkii ay hayeen ka qaaday Taliyihii Booliska Soomaaliya Iyo Aagaasimihii Hay’adda Sirdoonka Qaranka.

sidaana waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed kasoo baxay galabta Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somalia. Qoraalkaa ayaa lagu yidhi sidan:-

“Shir aan caadi aheyn oo ay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Dawladda Federaalka maanta yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa lagaga hadlay arrimaha amniga iyo gaar ahaan qaraxii shalay ay kooxaha argagaxisadu ka fuliyeen Hotel Nasa Hablood 2 ee magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn, Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa golaha wasiirada siiyey warbixin la xidhiidha dhacdadii Musiibada Qaran ee 14kii Oktoober iyo tii shalay 28ka Oktoober oo ay kooxaha argagaxisadu qarax iyo weerar ka fuliyeen hotel Nasa Hablood 2 ee Muqdisho.

Golaha Wasiirada ayaa ka tacsiyeeyey dhammaan dadkii ku geeriyooday Qaraxii argagaxisada ee shalay, una rejeeyey inta dhaawaca ah in EEBBE bogsiiyo. Golaha Wasiirada ayaa si kulul u cambaareeyey falka argagaxisada ah, isla markaasna ku ammaanay ciidamada Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah sida ay u soo bad-baadiyeen dad badan.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in dhacdadii 14kii Oktoober 2017 loo qabtay dad gaadhaya ilaa 5 qof oo ay ku jiraan darawalkii gaadhiga oo ahaa Noha ee qarxay maalintaas iyo 2 damiin ka ahaa gaarigii ku qarxay isgoyska KM5 iyo shaqsi isagu isa soo dhiibay oo ay hay’addaha amnigu gacanta ku hayaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyey dhacdadii qaraxii hotel Nasa Hablood 2 oo uu sheegay inay ku geeriyoodeen 27 qof, isla markaasna dad badan laga soo bad-baadiyey hoteelka oo ay ciidamadu u gurmadeen. Wasiirka ayaa sheegay in 5 maleeshiyada Al-Shabaab ah ay weerarka qaraxa soo qaadeen  iyadoo 3 ka mid ah gacanta lagu dhigay oo ay hay’addaha amniga su’aalo weydiinayaan.

Golaha ayaa dood dheer ka yeeshay arrimaha amniga iyo nabadeynta soona jeediyey tallooyin muhiim u ah hay’adaha amniga. Intaas ka dib ayaa Wasiiirka Amniga uu Golaha Wasiirada ka codsaday in xilalka laga qaado Taliyaha Booliiska iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugida Qaranka, si loo helo isla xisaabtan dhab ah.

Golaha Wasiirada ayaa dood dheer ka dib ugu danbeyntii cod u qaaday oo ay xilalkii ka qaaday Taliyaha Booliiska Abdixakiin Daahir Saciid (Saacid) iyo Agaasimaha Nabad-Sugida Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

—DHAMMAAD—-