TelesomDahabshiil
Published On: Wed, Jun 3rd, 2015

Tallaabadda U Horaysa Ee La Filayo Inuu Go’aan Kasoo Saaro Guddoomiyaha Maxkmadda Sare Ee Somaliland Oo Baarlamaanku Wadajir U Ansixiyay

labadagolesomalilandHargeysa(ANN)Mudanayaasha Labada gole Baarlamaan ee Somaliland Guurtida iyo Wakiillada, ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyay, isla markaana ogolaaday Magcaabista Madaxweyne Siilaanyo xilka Guddoomiyaha Maxkamadda sare dhawaan ugu magcaabay Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed oo noqonaya Guddoomiyihii ugu da’ada yaraa ee soo mara Maxkamadda Sare ee Somaliland.

Fadhiga wadajirka ah ee ay yeesheen labada gole Baarlamaan maanta oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Aqalka Odayaasha ee Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, waxay mudanayaashu si buuxda ugu ogolaadeen magacaabista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed.

Fadhiga Labada Gole waxa kasoo xaadiray 122 xildhibaan, waxaana cod loo qaaday guddoomiyaha Maxakamadda Sare ku ogolaaday 110 mudane, 11 Mudane, ayaa ka aamusay, mana jirin cid diiday, iyadoo guddoomiyuhu aanu codayn, sidaana waxa lagu ansixiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Prof. Aadan Xaaji Cali oo Madaxweyne Siilaanyo xilkaa u magcaabay dhowaan. Kadib markii xilka laga qaaday Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa la filayaa inuu go’aan kasoo saaro muranka siyaasadeed ee ka aloosan heshiiska axsaabta siyaasadu dhowaan gaadheen ee la xidhiidha arrimaha doorashooyinka dib u dhacay iyo go’aanka golaha Guurtida ee muddo-kordhinta oo is khilaafsan, taas oo sababtay inay isku dhacaan xukuumadda iyo axsaabta qaranka oo isku dhinac ah iyo Golaha Guurtida oo ku tilmaamay heshiiska sadexda Xisbi mid baalmarsan sharciga iyo Dastuurka Dalka oo aanay marnaba aqbalayn.

Heshiiska sadexda Xisbi dhowaan isla gaadheen si meesha looga saaro muran ka dhashay Go’aanka Golaha Guurtida ee Muddo-kordhinta, ayaa noqday mid khilaaf horle sii abuuray. Kadib markii golaha Guurtidu gaashaanka ku dhifteen, isla markaana ku tilmaameen mid aan waxba ka soconayn, iyagoo ku dooday in aanay axsaabtu xaq iyo sharci midna u lahayn inay go’aankooda wax ka beddelaan. Sidaa awgeed waxa keliya ee lagu dhaqmayaa uu yahay go’aankooda.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

About the Author

- #Arraale Mohamoud Jama is a freelance journalist and human rights activist with more than 20 years of experience as a professional journalist and human rights activist, as well as a writer and investigative journalist on a wide range of topics related to social issues, human rights, politics and security, economics, democracy, and good governance. He has written extensively on regional and international events, and has worked Somaliland newspapers, and Human rights organization. In 2008, he created the website #Araweelo #News #Network, and is based in Somaliland and is currently managing it; #Arraale is a specialist in investigating and reporting on human rights, democracy, security, and good governance issues. Contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/

Displaying 1 Comments
Have Your Say
  1. ywizsl says:

    N4lgGP ahewvzwxrixx, [url=http://xllwajqypftu.com/]xllwajqypftu[/url], [link=http://omegyxzqkisn.com/]omegyxzqkisn[/link], http://whmqtqghyhty.com/

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face noradin-schools---alikhwa

Pin It