SHAKER_1Hargeysa(ANN)Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa caddaysay in sii deysay maanta Markab lagu magcaabo Shakir 1 oo lagu qabtay dekedda Berbera 24 January 2015, kaas oo shalay laga dejiyay hubkii saarnaa.

Wasiirka Arrimaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay maanta in lasii daayay Markabkaa. Kadib markii sida uu sheegay xidhiidh is faham ay ka gaadheen labada dawladood ee Somaliland iyo Sudan oo sheegatay Markabka sida uu sheegay Wasiirku, isagoo tilmaamay in cilaaqaad wanaagsan ka dhexeeyo labada dal. Sidaa awgeed ay go’aansadeen xukuumad ahaan in lasii daayo markabka iyo Hubkii saarnaa.

Go’aanka xukuumadda Somaliland, ayaa yimi saaco kadib markii shalay Wasiirka Arrimaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ka soo laabtay safar uu ku joogay dalalka Yurub, isla markaana markii uu soo gaadhay madaarka Hargeysa, saxaafada u sheegay in caalamku si weyn ugu hambalyeeyey tallaabada Somaliland ku qabtay markabka hubka siday, isagoo xaqiijiyey in waddamada Suudaan iyo Djibouti ka codsadeen in baadhitaan sugan lagu sameeyo markabkaas oo dawladda Somaliland kala degtay hubkii saarnaa, balse saaka ayuu wasiirku mar kale saxaafada u xaqiijiyay inay sii daayeen Markabka iyo Hubkii saarnaa

Sidoo kale is bedelka sii deynta Markabka, ayaa kusoo beegnatay saacado kadib markii xukuumadda Somaliland Markabka ka dejisay Hubkii saarnaa shalay, isla markaana Maxkamaddi ku socoto Markabka oo ay u raaci doonaan go’aanka ay kasoo saarto sharci ahaan sida uu shalay warbaahina u sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade.

Dhawaaqyada Masuuliyiinta Xukuumadda ee Markabka oo ay u dhexeeyeen saacado yar, ayaa ka cadhaysiiyay rayal Caamka Bulshada Somaliland ee indhaha ku hayay Markabkaa iyo go’aanka ay xukuumadda Somaliland ka qaadatay, balse waxa layaab ku noqotay Bulshada dhawaaqyada is burinaya iyo go’aamada qaawiyay anshaxa dublamaasiyada ee saacadihii u danbeeyay xukuumadda Somalialnd kaga hadlaysay arrinta Markabka, taas oo lagu tilmaamay mid si cad u muujisay in aanay masuuliyiinta Xukuumaddu ahayn kuwoka wadda socda hawsha Markabka ee mid walba gaarkiisa uga hadlayay, isla markaana ay meesha ka masqantahay siyaasad midaysan oo ku dhisan anshaxa masuuliyada iyo Dublamaasiyada marka ay dhacaan arrimahan oo kale.
Araweelo News Network
Somaliland Office
E-mail Jaamac132@gmail.com
info@araweelonews.com