Hargeysa(ANN)-Xarunta Akadeemiga Nabada iyo Horumarka Somaliland, ayaa soo bandhigtay tartan ay qabanayso oo ahTartan Suugaaneed ku Saabsan nabada.

 

Qoraal iyo muuqaal lagu ogaysiinayo dadka hibada hal-abuurka leh, isla markaana tilmaamaya shuruudaha looga baahanyahay dadka ka qayb qaadanaya, ayaa u dhignaa sidan:

 

Ogaysiis: Waxa la ogeysiinayaa dadka leh Hibada hal abuurka ee ku dhaqan Gobolka Sanaag in Akaademiga Nabada iyo Horumarku (Academy for Peace and Development – APD) ay Qaban doonto Tartan Suugaaneed ku Saabsan nabada, kuwaas oo ay ka mid yihiin Gabayada , Buraanburka , Geeraarka iyo dhammaan Bahda Suugaanta .

Shuruudaha laga rabo tartamayaasha waa sidan:-

  1. Waa in maansadu abbaartaa Qiimaha Nabaddu leedahay
  2. Waa inay maansadu qeexi kartaa dhibaatada ay colaadu leedahay
  3. Waa inay maansadu saxsan tahay xaraf ahaan iyo miisaan ahaanba
  4. Waa inay tartamayaashu ku soo gudbiyaan cod ahaan iyo qoraal ahaan.

Waxaa lagu soo dirayaa whatsup-ka lambarka hoos ku qoran:-

WhatsApp # 0633111169

Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh lambarada hoose

Omar Adan-0633111169

Ismail Aw Adan- 0633548679

Muuqaalkan hoose ka dhegeyso Ogaysiiska