Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Shirkadda Telesom ayaa xafladda abaal-marinta waxaana ka soo qayb-galay qaar ka mid ah maamulka shirkadda iyo macaamiisha shirkadda ee ku guulaystay abaal-marinaha kala duwan ee shirkadda bixiso, macaamiisha la abaal mariyey ayaa dhamayd 89 macmiil oo kala jooga dhamaan gobolada Somaliland.

Cabdiraxmaan Aadam Ismaaciil

Munaasibadan waxaa ugu horayn ka hadlay Madaxa laanta Suuq-gaynta ee shirkadda Telesom Md. Cabdiraxmaan Aadam Ismaaciil (Cabdiraxmaan Aar) waxaanu ka warbixiyey abaal-marinaha shirkaddu guddoonsiisay macmiisheeda, waxaanu yidhi,
Barnaamijkan aynu maanta u fadhino wuxuu ka kooban yahay, Laba barnaamij oo kala duwan oo mid walba ay shirkaddu ku bixiso abaal-marino. Waxaana kamid ah barnaamijka Aqoonmaal iyo Hano Hadyaddaada, Macaamiisha Moobaylkooda ka isticmaasha internet-ka oo macmiil u ah shirkadda TELESOM isla markaana internet-ka ka isticmaala moobaylkiisa, waxa uu awood u leeyahay inuu barnaamijkaa ka soo qayb-galo, nasiibkiisana tijaabiyo, isagoo kelmadda ‘Abaal-marin’ u soo diraya Numberka “111”.

 

Madaxa Suuqgeysta Shirkadda Telesom oo hadalkiisii si wataa wuxuu yidhi “Barnaamijkani maaha markii ugu horeysay ee aanu qabano, barnaamijkani wuxuu soo socday sannadkii dhamaadey, Iminkana dib ayaanu u bilawnay, maanta halkan waxaanu ku abaalmarinaynaa 42 macmiil oo kamida macaamiishii ku guuleysatay barnaamijkaas hanno hadiyaddaada oo ku helay si nasiib ah, iyo 47 macmiil oo ku guuleystay Barnaamihka Aqoonmaal, Abaalmarinahan ayaa waxay isugu jiraan Mobile casri ah ku shaqaynaya 4G++ iyo Mifi -ga shirkadda Telesom”

Maxamed Cabdi Darbo

Dhinaca kale waxa isaguna xaflada Macaamiisha lagu abaal marinayay ka hadlay maamulaha xidhiidhka dadwaynaha ee shirkadda Telesom mudane Maxamed Cabdi Darbo “ qorshahan shirkaddu ku abaal marinayso macaamiisheeda isticmaasha adeegyadda Aqoonmaal iyo Macaamiisha internetka isticmaasha gaar ahaan “Mobile Data”

Mid ka mid ah Dadka guulaystay

Mudane Darbo oo hadalkiisii sii wataa wuu sharaxay Barnaamijka aqoon maal iyo faaiidooyinka uu u leeyashahay macaamiisha iyo shirkaddaba, Hadaladiisiina waxa ka mid ahaa ( Barnaamijka aqoonmaal waa barnaamij faaido u leh shirkadda iyo macaamiishaba, waa barnaamij xanbaarsan laba adeeg oo kala ah Layliye iyo Istijaabi, markaa waxaan dhalinyaradda waxa barata waxaan ku dhiiri gelin lahayn sidii ay ugu xidhaan lahaayeen barnaamijkaas aqoonmaal si ay aqoonta uga faaideysataan, shirkaddu had iyo jeer waxay ku hawlan tahay tayaynta iyo kor u qaadida Adeegyadda ay hayso, hadaanu nahay shirkadda telesom wax xil naga saaran yahay inaanu bulshadda dhinacyo badan ka caawino, waxaana ka mida, sidii aan bulshadda ugu soo gudbin lahay adeegyo tayaysan, waxa kale oo xil nagga saran yahay inaanu bulshadeena ka dhiiri gelino xagga waxbarashadda, caafimaadka, Deegaanka iyo wixii la xidhiidhaba.”

 

Waxaa iyaguna xaflada ka hadlay qaar ka mid ah macmiisha ku guulaysatay abaal-marinta ay shirkaddu bixisay waxaanay si aad ah uga mahadnaqeen shirkadda abaal-marinaha ay macaamiisheeda guddoonsiisay, waxaanay shirkadda ku dhiiri-galiyeen inay sii wado dadaalka ay bulshadeeda ku dhiiri-galinayso.