“Maanta waa maalin Taariikhi ah”, Cabdikariin Maxamed Iid

“Waxaanu balan-qaadeynaa in wixii loo baahdo ee tiknoolaji ah ama kaabo dhaqaale…” Cabdikariin Maxamed Iid

Hargeysa(ANN)-Shirkadda Telesom ayaa maanta soo bandhigtay adeeg cusub loogu magac darey TABSERA, kaasi oo ay goobaha waxbarashadu si toos ah uga gudbin karaan casharadda qaab online ah.

Nidaamkan waxbarasho ee Tabsera ayaa lagu soo bandhigey xarunta shirkadda Telesom ee Shacabka, waxaana ka soo qayb-galay Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, wasiirka Waxbarashada, Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada, boodhka iyo guddoomiyaha shirkadda Telesom, masuuliyiin ka socday Jaamacadaha: Hargeysa iyo Camuud, Machadka Tababaradda Shaqaalaha Dawladda, daladaha iyo maamulayaasha dugsiyadda gaarka loo leeyahay.

Guddoomiyaha shirkadda Telesom Md. Cabdikariin Maxamed Iid oo sharaxaya nidaamka cusub ee Waxbarashada ee TABSERA  22 march 2020 Araweelo News Network.
Guddoomiyaha shirkadda Telesom Md. Cabdikariin Maxamed Iid oo sharaxaya nidaamka cusub ee Waxbarashada ee TABSERA 22 march 2020 Araweelo News Network.

Guddoomiyaha shirkadda Telesom Md. Cabdikariin Maxamed Iid oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay in adeegan cusub ee TABSERA uu dabooli doono baahida waxbarasho ee uu hakadka galiyey ka feejignaanta xanuunka Coronavirus. Guddoomiyaha Shirkadda Telesom Md. Cabdikariin ayaa sidoo sheegay inay tahay maalin taariikhiya oo adeegani saameyn weyn ku yeelan doono mustaqbalka waxbarashada dalka.

Maduuliyiinta ka qaybgalay munaasibada shirkadda Telesom kusoo bandhigtay  nidaamka cusub ee Waxbarashada ee TABSERA  22 march 2020 Araweelo News Network.
Maduuliyiinta ka qaybgalay munaasibada shirkadda Telesom kusoo bandhigtay nidaamka cusub ee Waxbarashada ee TABSERA 22 march 2020 Araweelo News Network.

“Wargeyska the Guardian ayaa qortay in 850 milyan oo arday  ay hadda iskuulada dibadda ka joogaan. Waxaynu halkan u joognaa siday bay ardaydeenu waxbarashada u sii wadan karaan”, ayuu yidhi Md. Cabdirkariin Maxamed Iid.  

Maduuliyiinta ka qaybgalay munaasibada shirkadda Telesom kusoo bandhigtay  nidaamka cusub ee Waxbarashada ee TABSERA  22 march 2020 Araweelo News Network.
Maduuliyiinta ka qaybgalay munaasibada shirkadda Telesom kusoo bandhigtay nidaamka cusub ee Waxbarashada ee TABSERA 22 march 2020 Araweelo News Network.

Md. Cabdikariin ayaa yidhi, “Waxaanu balan-qaadeynaa in wixii loo baahdo ee tiknoolaji ah ama kaabo dhaqaale ah ee anaga dhinacayaga nagu xidhan, intaanu gacan ka geysan karno ka geysano, insha Allaah”. 

  Cabdiwahaab Maax oo ah Agaasimaha waaxda xidhiidhka dadweynaha ee Telesom  oo ka hadlaya  munaasibada shirkadda Telesom kusoo bandhigtay  nidaamka  cusub ee Waxbarashada ee TABSERA  22 march 2020 Araweelo News Network

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Md. Cabdiwali Sh. Cabdilaahi Suufi ayaa shirkadda Telesom uga mahadnaqay nidaamka Waxbarashada Online ah ee Tabsera,  isagoo ka hadlay faa’iidada uu leeyahay. Waxaanu yidhi, “Waxaan ku hambalyeynayaa shirkadda Telesom inay inoo soo bandhigtay system-kam. E-learning-ku wuxuu leeyahay faa’iidooyin badan oo ay ka mid tahay in ardeygu wixii loo duubay inuu dib u akhriyo ama u dheysto”. 

 Maduuliyiinta ka qaybgalay munaasibada shirkadda Telesom kusoo bandhigtay  nidaamka cusub ee Waxbarashada ee TABSERA  22 march 2020 Araweelo News Network.
Maduuliyiinta ka qaybgalay munaasibada shirkadda Telesom kusoo bandhigtay nidaamka cusub ee Waxbarashada ee TABSERA 22 march 2020 Araweelo News Network.

Wasiirka Waxbarashadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Diiriye (Axmed Toorno) ayaa si weyn u soo dhaweeyey nidaamka Waxbarashada TABSERA waxanu sheegay inuu wax weyn ka tari doono horumarinta waxbarashada Somaliland, “Arintan aynu maanta iskugu nimid aniga dhawr meelood ayey farxad iiga tahay, ta koowaad, barnaamijkani waa mid waxbarashadda wax ka tarayaa, mar labaad waxaan ka tirsanahay guddidii madaxweynuhu magacaabay ee u toog-heynta xanuunka hadda yimid, oo markaa sii wadista warbarashada wax ka tarayaa”, ayuu yidhi wasiirku.

Madaxa Qaybta Xidhiidhka Caalamiga  ah Sheekh  Cadnaan Daahir: oo ka mid ah Saraakiisha Shirkadda Telesom oo sharaxaya Barnaamijka ay shirkaddu soo bandhigtay  ee nidaamka cusub ee Waxbarashada ee TABSERA  22 march 2020  Araweelo News Network.

Masuuliyiin ka socday Jaamacadaha Camuud, Hargeysa iyo Machadka Tababaradda Shaqaalah Dawladda ee CSI ayaa sheegay inay ka faa’iidan doonaan hanaankan waxbarashada Online ah ee  TABSERA.

Maduuliyiinta ka qaybgalay munaasibada shirkadda Telesom kusoo bandhigtay nidaamka cusub ee Waxbarashada ee TABSERA 22 march 2020 Araweelo News Network.

Guddoomiyaha dugsiyadda Al-daareyn Sheekh Maxamed Sheekh Dalmar oo door weyn ka soo qaatay, fikraddo bandanna ku soo kordhiyey hanaankan warbarashada online-ka ah ee TABSERA oo ka hadlay xafladda ayaa shirkadda Telesom ku bogaadiyey hirgalinta adeegan waxbarasho, isaga oo sheegay inay ka wadda shaqeyn doonaan dugsiyada waxbarasho iyo shirkaddu sidii loo sii horumarin lahaa.

Maamulaha guud ee dugsiyadda Nuuradiin Xaaji Mahad Ibraahim Maxamed oo ka hadlay munaasibadda daah-furka ayaa waxa uu yidhi, “Barnaamijkan waxaa la yidhaahdaa TABSERA. Tabsera waa kalmad Quraan ah. Magacaa aad baan u bogaadinayaa ciddii bixisay, khayr Allaha ha siiyo. Waa magac aad u qiimo badan Tabsera. Aduunyadda hal-abuurka iyo ibdaaca iyo in mashaakilaadka xal loo helaa waa waxa ummaduhu isku dhaafaan”. 

TABSERA waa tiknoolajiyad ay isticmaali doonaan dhammaan goobaha waxbarashada iyagoo adeegsana macalimiintooda iyo manaahijtooda,  TABSERA waxaa si wadda jira ah u isticmaalaya macalinka, ardeyga iyo waalidka. Sidoo kale waxaa uu leeyahay sabuurad digital ah oo leh dhamaan agabta wax lagu qoro iyo kuwa wax lagu sawiro. Sdioo kale waxaa si toosa u wadda xidhiidhi kara ardeyga iyo macalinka.